Qatar oo QM kahor sharaxday qorshaheeda Soomaaliya

Doha (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa Golaha Ammaanka ee QM ka hor sharaxday qorshaheeda ku aadan caawimaadda Soomaaliya, ayada mar kale ku celisay sida ay uga go’an tahay in loo wajaho qaab dhammaystiran oo looga hortagayo xagjirnimada rabshadaha wata ee ka jirta Soomaaliya.

Go’aankaan ayey Dowladda Qatar ku sheegtay bayaanka uu Wakiilka Joogtada ah ee Dowladda Qatar Sheikha Alya Ahmed bin Saif Al Thani u gudbiyay Qaramada Midoobay.

Ambassador Sheikha Alya Ahmed bin Saif Al Thani oo ka hadashay munaasabadda asbuucii labaad ee Qaramada midoobay ee La-dagaallanka Argagixisada oo cinwaankeedu yahay “caqabadaha cusub iyo kuwa soo koraya ee tobanka sano ee soo socoto: iyada oo loo marayo dhaqan-celinta iyo dib-u-dhex-galka Soomaaliya,” oo ay soo qaban qaabisay Dowladda Qatar oo kaashanaysa Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Sanduuqa Hawlgelinta iyo adkeysiga Beesha Caalamka.

Safiirka ayaa sharaxday in Qatar ay taageero siiso Sanduuqa Caalamiga ah iyadoo ay ujeedada tahay ka hortagga iyo la-dagaallanka xag-jirnimada iyo argagixisada, waxayna sheegtay in ay si weyn u aaminsan tahay lama huraanka wax ka qabashada xag-jirnimada rabshadaha wata, iyadoo xustay in howlaha uu qabtay Sanduuqa Caalamiga ah ay ka faa’ideysteen dalal badan oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

“Qatar waxay leedahay qorshayaal dhowr ah oo caalami ah oo loogu talagalay in lagu dhiso bulshooyin nabdoon, cadaalad ah, oo loo dhan yahay isla markaana kor loogu qaado xasiloonida iyo sinnaanta heerarka siyaasadeed, bulsho, iyo dhaqaal”  ayay tiri Ambassador Sheikha Alya

Waxay sharraxday in Qatar ay higsaneyso inay horumariso dhaqanka nabadda iyo dulqaadka iyadoo loo marayo waxbarashada iyo isboortiga.  Sidoo kale waxay shaacisay in dowladda Qatar ay aad u daneeneyso in la hagaajiyo xaaladaha dhaqaale iyada oo la siinayo fursado shaqo iyo kaalmooyin horumarineed wadamada ku nool xaaladaha khilaafaadka ama kuwa kasoo baxaya.

Sheikha Alya ayaa carabka ku adkeysay  in Qatar ay marwalba tahay saaxiib caalami ah oo la isku halleyn karo oo ay leedahay Soomaaliya, maadaama ay siiso taageero siyaasadeed iyo noocyo kale oo ay ku jirto taakuleynta militariga, si loo xoojiyo laamaha amniga loona wanaajiyo awooddeeda ay ku wajahayaan hanjabaadaha joogtada ah ee uga imaanayo argagixisada.

Waxay hoosta ka xariiqday in garashada Qadar ee wax ka qabashada rabshadaha iyo argagixisada iyo qaadashada habab amni aysan kaligood ku filnayn. Sidaa darteed waxay sheegtay in kaalmada Qadar ay siiso Soomaaliya ay u jihaysay dhinaca bixinta kaalmooyin horumarineed iyo maalgashi dhinacyada muhiimka ah sida waxbarashada iyo bixinta fursado shaqo oo ka caawiya Soomaaliya soo celinta xasilloonida iyo barwaaqada.

Waxay xustay in abuurista fursado shaqo ay tahay aalad wax ku ool ah oo lagu yareyn karo rabshadaha isla markaana ay muhiim u tahay fududeynta kala-soocidda iyo dhaqan celinta dhallinyarada horay ula xiriiray kooxaha xag-jirka ah ee rabshadaha wata sidaasna ay ku suurta geli karto in dhallinyaradaas ay dib ula midoobaan bulshadooda.

Sheikha Alya ayaa tilmaamtay in howshaas ay tahay mid adag oo u baahan qarash badan loona baahan yahay inay ka wada qeyb galaan hoggaamiyaasha dhaqanka , kuwa Diinta iyo NGO-yada maxalliga ah sidoo kalana ay lagama maarmaan tahay caawinta Beesha Caalamka.

Sheikha Alya waxay iftiimisay doorka Silatech, oo ah hay’ad aan dawli ahayn oo Qatar ah kana shaqaysa horumarinta bulshada waxayna ka shaqaysaa isku xirka dhalinyarada iyo shaqooyinka iyo xoojinta mashaariicda guuleysta ee dalal badan oo gobolka ah.

Waxay sheegtay in ururku la shaqeynayo la-hawlgalayaasha Soomaaliya si loo horumariyo is-dhexgalka dhaqaalaha iyo nabad ku wada noolaanshaha. Waxay sidoo kale fulineysaa barnaamijyo lagu siinayo kumanaan qaxooti dhalinyaro ah, barakacayaal, iyo kuwa soo noqday fursado nololeed oo waara iyada oo loo marayo tababar xirfadeed, horumarinta xirfadaha ganacsiga yar yar, xirfadaha beeraha iyo kalluumeysiga, iyo shaqaalaynta ardayda qalin jabisay.

Waxay ku dhawaaqday in la aasaasay sanduuq maaliyadeed oo lagu maalgeliyo mashaariicda laguna abuuro fursado shaqo oo la siinayo kumanaan dhalinyaro Soomaaliyeed ah iyadoo lagu shaqeynayo shuruucda u degsan Sanduuqa Horumarinta Qatar.