Xog: Sababta rasmiga ah ee uu Guudlaawe u qaadacay shirka ka furmaya Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa kasoo baxeysa sababta uu Madaxweynaha maamulka HirShabelle Cali Guudlaawe u qaadacay ka qeyb-galka shirka ra’iisul wasaare Rooble iyo madax goboleedyada uga furmaya magaalada Muqdisho ee ku saabsan arrimaha doorashada.

Qoraal saaka kasoo baxay HirShabelle ayaa lagu yiri “Dowladda HirShabeelle waxay cadeyneysaa inaysan qeyb ka ahayn shirka golaha wadatashiga qaran ee dowladda federaalka, dowladaha xubnaha ka ah iyo maamulka gobolka Banaadir. Dowladda HirShabeele maadaama aysan talo ku lahayn qabsoomida shirka, wixii kasoo baxa ma noqon doonaan wax quseeya dowladda HirShabelle.”

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku dhow Guudlaawe ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha HirShabelle uu dareemayo in lagu sameeyey ixtiraam-darro iyo in la yareysaneyo maqaamkiisa siyaasadeed, taasi oo ka carreysiisay. 

Sida aan xogta ku helnay, Guudlaawe ayaan ka qeyb-gelin kulan toddobaadkii hore qadka Zoom-ka ku dhex-maray ra’iisul wasaare Rooble iyo madax goboleedyada dalka oo lagu go’aamiyey shirka ka dhacaya Muqdisho. Guudlaawe oo ku sugan Turkiga, ayaa awoodi waayey inuu qadka soo galo, hase yeeshee waxaa la qabtay kulanka, ayada oo aan loo sameyn wax cudur daar ah ama aan dib loogu dhigin.

Waxaa sidoo kale, kulankaas lagu go’aamiyey ajendayaasha shirka, taasi oo Guudlaawe aan sidoo kale lagala tashan, wuxuuna madaxweynaha HirShabelle dareemay in laga soo qaaday qof aan miisaan laheyn oo ku gowracan waxa ay isku raacaan xubnaha kale ee golaha wada-tashiga qaran.

Sida ay ku warrameen ilo-wareedyada la hadlay Caasimada Online, ayada oo Guudlaawe uu sidaas dareemayo, ayaa haddana xalay mar kale la go’aamiyey in shirka maanta uu furmo, xilli Guudlaawe uu dalka ka maqan yahay.

Madaxweynaha HirShabelle ayaa markaas kadib sii carrooday, wuxuuna is-weydiiyey sababta marar badan Axmed Madoobe iyo Saciid Deni shirar loogu hakiyey toddobaadyo, isagana loogu dulqaadan waayey maalmo kooban oo uu safar ku maqan yahay, wuxuuna kadib soo saaray qoraalka uu shirka ku qaadacay.

Madaxweynaha HirShabelle ayaa kasii maqnaan doona dalka illaa Jimcaha, markaas oo la filayo inuu kusoo laabto, waxaana hadda hakad galay shirkii kadib go’aankii uu qaatay.