Xafsa Maxamed Luqmaan oo shaacisay sidii ay saaxiibteed Xafsa Cabdi u shirqooshay

Nairobi (Caasimadda Online) – Xafsa Maxamed Luqmaan, oo ah haweeney ganacsato Soomaali ah oo 23 jir ah, oo la la’aa muddo shan maalmood ayaa shaaca ka qaaday in Gabar ay saaxiibo ahaayeen ay ka dambeysay afduubkii loo geystay.

Wareysi gaar ah oo ay Xafsa Luqmaan siisay Wargeyska The Standard ee dalka Kenya ayey ku sheegtay in haweeneydii saaka lagu qabtay xaafadda Kinangop ee lagu magacaabo Xafsa Cabdi iyo ninka lala qabtay ay ahaayeen maskadii ka dambeysay afduubkii iyo jirdilkii loo geystay.

“Waxay ahayd gabar aan saaxiibo nahay, inkasta oo aysan aheyn qof aan aad isugu dhow nahay balse iyadaa ka dambeysay dabinka afduubka. Waxay iga codsatay inaan u raaco Kayole oo uu ku yaal dukaankeeda kale, ”ayay tiri Xafsa Luqmaan.

Saacado ka hor inta aan la soo sheegin afduubkeeda, duubista kaamirooyinka ilaalada ee dukaankeeda kabaha, ayaa muujisay inay Xafsa Luqmaan soo gashay dukaanka saacadda markay aheyd 4:44 pm Talaadadii ay taariikhdu aheyd 15 June.

Xilliga ay dukaanka galeysay ayaa waxaa dukaanka kula sugnaa haweeney kale oo xilligaas magaceeda lagu sheegay Xafsa Abdulwahab.

Muuqaalada ay duubtay kaamirada qarsoon ayaa waxaa lagu arkayaa Xafsa Maxamed oo kasoo baxeyso dukaanka iyado oo ay la socoto Xafsa Cabdi daqiiqado kadib markii ay dukaanka kabaha lagu iibiyo soo galeyn.

Xafsa Cabdi ayaa la arkaa iyadoo indhaha kala hadleyso nin aan la garaneyn oo fadhiyay kuraasta dukaanka markii iyada iyo Xafsa Maxamed ay ka baxayaan dhismaha.

Maalintaas murugada leh, (Juun 15, 2021) Xafsa Luqmaan waxay sheegtay inay ku sugnayd goobteeda ganacsi ee caadiga ah ee ku taal California xaafadda Islii markii ay Xafsa Cabdi istaagtay oo ay ka codsatay inay u wado Kayole.

“Waxay ii sheegtay inay dukaan ku leedahay Kayole, halkaas oo ay ku iibinaysay qaraha laakiin markii aan tagnay, ma jiraan wax aan ka ahayn balka oo ku faafay meel walba,” ayay tiri.

Xafsa Luqmaan ayaa sheegtay inay salaada maqribka ku dukatay dukaanka ku yaalo Kayole oo ay saaxiibteeda usoo waday, waxayna tilmaamtay in Salaada kadib ay la kulantay afduubka.

Waxay tilmaamtay inta ay ku sugnaayen Bakhaarka ay saaxiibteed Xafsa Cabdi geysay ay ku mashquulsaneyd taleefoonkeeda iyadoo qoreysay farriin qoraaleed isdaba joog ah.

“Markii aan dhameeyay salaaddayda, waxaan arkay laba nin oo xoog leh oo ii imanaya isla markiina waxay bilaabeen inay i garaacaan,” ayay tiri iyadoo ay ilmada ka socoto.

Waxay sheegtay in nimanka afduubka u geystay ay qoorta ka qabteen islamarkaana ay si xun u garaaceen, kadibna waxay sheegtay inay afkeeda ku dabooleen balka si ay uga hor istaagaan inay dhawaaqdo.

Waxay  intaas ku dartay markii la garaacay kadib laga daboolay indhaha, gacmaha iyo lugahana laga xiray in sidaas ay ku geliyeen Haan aan biyo ku jirin sidaasna ay ugu gudbiyeen guri ku yaal Magaalada Matopeni halkaas oo ay dambi baarayaasha markii dambe ay kasoo badbaadiyeen.

“Saaxiibtey isoo waday marka ay dhacayaan waxaan oo dhan isha ayey ka fiirineysa” ayey tiri Xafsa Maxamed.

Xafsa Luqmaan, oo hada kasoo kabaneysa dhibaatadii loo geystay, ayaa waxay Xafsa Cabdi ku baratay magaalada Kaliforniya, Waxayna deris la ahayd goobta shaqada ee ay ku iibiso qaraha.

Xafsa ayaa xustay in ay aad isku jeclaayeen iyada iyo saaxiibteeda iyadoo ku dartay xitaa inay deen ahaan u siisay in ka badan 700,000 oo lacagta Kenya ay si ay ugu maalgashato ganacsigeeda qudaarta.

“Waan ku kalsoonaa iyada had iyo jeerna way ila joogi jirtay markay ii baahan tahay. Kaliya waxaan rabaa in cadaaladda la marsiiyo. Aad ayaan ugu faraxsanahay in la xiray” ayay tiri.

Xafsa Maxamed waxaa boolisku soo badbaadiyeen maalintii Axadda oo ay taariikhdu ahayd 20-ka Juun.

Baarayaasha dambiyada ayaa xiray labada eedeysane oo kala ah Jackson Njogu oo 24 jir ah iyo Hafsa Abdi oo 21 jir ah oo loo heysto afduubka iyo jirdilka loo geystay Hafsa Mohamed Lukman.

Labadooda ayaa laga qabtay halka loo yaqaan Crystal View Lodge oo ku taal nawaaxiga deegaanka Kinangop oo ay xalay ku hoydeen.

Labada eedeysane weli lama soo taagin maxkamad, wuxuuna wargeyska The Standard sheegay in dadaalkii ay ku doonayaan inay kula xiriiraan qoyska iyo ehelka dhow ee Xafsa Cabdi ay u suurtag geli weysay.