Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar culus oo ay xalay kooxda Al-Shabaab ku qaaday gudaha degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Weerarkan ayaa ku billowday qaraxyo, kadib markii gaari laga soo buuxiyay lagu dhuftay saldhigga degmadaasi, waxaana xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ragga weerarka soo qaaday iyo ciidamada ammaanke ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Ilo wareedyo lagu kasoonyahay ayaa innoo sheegay in weerarka oo dhacay saq dhexe uu xooganaa, isla-markaana xubnaha Al-Shabaab ay afar jiho ka weerareen Kaxda, sida saldhigga, xarunta degmada iyo laba xarun oo ay ku sugnaayeen ciidamada xasilinta.
Dagaalka dhex-maray labada dhinac ayaa si weyn looga dareemay caasimada, waxaana la maqlayay daryanka hub culus, taas oo cabsi weyn ku beertay dadka deegaanka.
Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkam ku dhintay ugu yaraan illaa 2 askari, halka ay tiro kale ku dhaawacmeen, kuwaas oo kamid ahaa ciidamada ammaanka.
Xubnaha weerarka soo qaaday ayaa goobta ka baxsaday, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid deggan, inkastoo raadka weerarkii xalay laga dareemayo degmada Kaxda.
Sidoo kale waxaa saaka goobaha la weeraray tegay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo saraakiisha laamaha amniga oo wada baaritaano dheeraad ah.
Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab oo war kasoo saartay weerarkan ayaa shaaca ka qaaday inay askar badan ku dishay sidoo kalena hub iyo gaadiid ay ku fuartay.
Weerarkan ayaa qayb ka noqonayo falalka amaanka dari ee ka dhacaya gudaha Muqdisho, waxaana ugu dambeeyay qaraxii shalay ka dhacay isgoyska Ifka Xalane, kaas oo lagu dilay shaqaale ka tirsanaa maamulka gobolka Banaadir, sida uu xaqiijiyay duqa Muqdisho.
Sidaan oo kale Al-Shabaab waxa ay horey ugu soo weerareen degmada Dayniile oo iyana ku taalla koonaha magaalada, waxaana weerarkaas ka dhashay khasaare xoogan.