Al-Shabaab oo weerar ku billowday qaraxyo ku qaaday xeero ku taalla Baardheere

Baardheere (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerar toos ah oo ay saaka Al-Shabaab ku qaaday xero ciidan oo ku taalla degmada Baardheere oo ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Weerarka oo ku bilowday qaraxyo ayaa waxaa lagu ekeeyay xero lagu tababarayay ciidamo kamid noqonayo kuwa dadka deegaanka ee loo diyaarinayo dagaalka Al-Shabaab.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in weerarka kadib uu xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamada ku sugnaa xerada iyo xubnaha Al-Shabaab ee weerarka qaaday.

Sidoo kale waxaa xerada la weeraray agagaarkeeda saldhig ku leh ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS, kuwaas oo mar dambe u gurmaday ciidamada la weeraray.

Wararka ayaa sheegaya in ku dhowaad 5 qof oo isugu jiro askar iyo tababarayaal lagu dilay weerarka saaka ka dhacay duleedka degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Dhanka kale Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa shaacisay inay la wareegtay xerada, kadibna ay dishay maleeshiyaad ku sugnaa halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemaya gudaha degmadaas iyo hareeraheeda.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha iyo maamulka degmada oo ku aadan weerarkaasi ee ay Al-Shabaab ku qaadeen xerada Baardheere.

Todobaadkii hore ayey aheyd markii weerar is-miidaamin ahaa ay Al-Shabaab ku qaaday guriga martida ee degmadaas, kaas oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac, waxaana dadka waxyeelada kasoo gaartay kamid ah guddoomiyaha Gedo, Axmed Buulle Gareed.