Daawo: Siyaasiyiinta ugu culus beesha Axmed Madobe oo dhisay isbaheysi ka dhan ah

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya lagu qabtay kulan looga tashanayey aayaha Jubbaland, kaas oo ay ka soo qeyb galeen siyaasiyiin miisaan leh oo ku heyb ah Maadxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Kulan kadib siyaasiyiinta ayaa la hadlay warbaahinta, waxayna dalbadeen doorasho ka madax-banaan Axmed Madoobe ay deg deg Jubbaland uga dhacdo, iyagoo cod dheer ku sheegay in la joogo waqtigii is bedelka oo Axmed Madoobe uu xukunka wareeji lahaa.

Wasiirkii hore ee gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Cabdulaahi Oomaar, wasiirkii hore ee warfaafinta Cabdullahi Ciilmooge, Sheekh Shakuul, Cabdi Cali Raage oo ah la-taliyihii hore ee Farmaajo iyo masuuliyiin kale oo ka soo jeeda Jubbaland ayaa ka qeyb galay shirkaas ka dhacay Nairobi.

Ugu horeyn Sheekh Shakuul ayaa yiri, “Waqtigii waa dheeraaday Axmedow, 12 sano ayaad reer Jubbaland hor taagneyd, waa laguu sabray, marka saaxiibkey Axmed Madoobe waxaan kula talinayaa in si sharaf leh uu xilka ku wareejiyo.”

Gabagabadii shirkaas waxaa laga soo saaray bayaan dhowr qodob ah oo diiradda lagu saaray doorashada Jubbaland iyo amniga deegaanada maamulkaas oo qeybo badan ay Al-Shabaab ka joogaan.

Ergada shirkaas ka qeyb gashay waxay hoosta ka xariiqeen in doorashooyinka Jubaland oo dib u dhaca iyo awood sheegada Axmed Madoobe ay sababtay khilaaf aan ka dhamaan Jubbaland.

“Waxaan si adag uga digeynaa in maamulka Kismaayo ka jira uu kororsado mudo xileedkiisa, taasi hadii ay dhacdo waxaa masuuliyadda cawaaqibkii ka dhasha qaadanaya Axmed Madoobe,” ayaa lagu yiri nuqul ka mid ah bayaankii ka soo baxay shirkii Nairobi.

Xubnahaan ayaa codsaday in bisha Agoosto ee sanadkaan inta aana la gaarin la guda galo doorashada Jubbaland, “Waa in xildhibaanada lasoo xulo inta aan la gaarin bisha shanaad ee sanadkaan,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa dhawaan muddo xileedkiisa ku darsaday muddo hal sano ah, taas oo ka dhigay in waqtigu uu ka dhamaanayo bisha Agoosto ee sanadka 2024-ka, halka siyaasiyiintaan ay doonayaan in bisha Agoosto ee sanadkaan la qabto doorashada Jubbaland.

Hoos ka daawo