Al-Shabaab oo weerar ku billowday qaraxyo maanta ku qaaday xero ku taalla…

Nairobi (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar culus oo ay maanta dagaalyahanada Shabaab ku qaadeen aagga magaalada Mandera ee dalka Kenya.

Weerarka oo ku billowday qaraxyo ayaa waxaa lagu ekeeyay xero ay ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaanka Ceel Raamo oo hoosta magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, isla markaana uu jiro khasaare leh dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiil ka tirsan milatariga Kenya oo weerarka kadib la hadlay warbaahinta gudaha ayaa shaaca ka qaaday inay iska difaaceen Al-Shabaabka soo weeraray, ayna dib u celiyeen.

Al-Shabaab ayaa dhankeeda guul ka sheegatay weerarkan, waxayna shaacisay in jab xoogan ay gaarsiiyay ciidanka Kenya, sidoo kale ay xerad aku gubtay gaadiid dagaal.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana haatan howlgallo ay ka socdaan aagga lagu dagaalamayo, kuwaas oo lagu baadi goobayo raggii weerarka qaaday.

Inta badan xoogaga Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada Kenya oo qayb ka ah howlgalka ATMIS ee Soomaaliya.

Weeraradan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadka shacabka ah, gaar ahaan gaadiidka isaga kala gooshaya deegaanada u dhow xadka dheer ee lada waddan.