Al-Shabaab oo ‘weeraro aargoosi ah’ ka billowday Hiiraan iyo GALGADUUD

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dagaalyahannada Kooxda Al-Shabaab ayaa xoojiyey weerarada gaadmada ah ee ay ka fulinayaan qaybo ka mid ah dalka, gaar ahaan deegaannada hoostaga maamullada HirShabelle iyo Galmudug, kadib markii ay kordheen howlgallada ay wadaan ciidanka dowladda oo garab ka helaya maleeshiyaad deegaanka ah.

Kooxda ayaa saacadihii u dambeeyey howlgallo qorsheysan ka fuliyey gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, waxayna burburisau ceelal, guryo ay daganaayeen dad shacab ah iyo xarumaha isgaarsiinta ee ay ku xiriiri jireen dadka ku sugan deegaannada la weeraray.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdirashkuur Warsame oo sidoo kale ah ergeyga Soomaaliya u qaabilsan baaraha ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay weeraradaas, isaga oo marka hore cambaareeyey, wuxuuna tilmaamay in kooxda Al-Shabaab billowday argoosi, xilli ay dadka ku dhaqan gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ay la daala dhacayaan abaaro baahsan.

“Waxaan cambaaraynayaa weerarrada aargoosiga ah ee ay kooxda Al-Shabaab ka wadaan degaanno ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Galgaduud. Xilli ay dadkaasi la tacaalayaan abaar ba’an, ayey ceelashii biyaha, xarumihii korontada iyo isgaarsiinta qarxiyeen,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku siii daray in si  aan kala sooc lahayn ay kooxdu u beegsaneyso dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaannadaas, ayna baabi’ineyso noloshooda.

“Waa aargoosi fulaynimo iyo arxan la’aan ah oo si aan kala sooc lahayn loogu beegsanayo ilaha nolosha bulshada,” ayuu sii raaciyey ergeyga arrimaha bani’aadamimada & abaaraha.

Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in garab istaag loo muujiyo shacabka ku dhibaateysan deegaannadaas, isla-markaana lala gaaro gurmad bani’aadanimo oo deg-deg ah.

“Gurmad degdeg ah iyo guluf hiilo ah ayey bulshada deegaannadaas naga leeyihiin,” ayuu markale ku yiri qoraalka uu soo saaray Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Si kastaba, ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa ATMIS oo garab ka helaya maleeshiyaadka deegaanka ee Macawiisley ayaa dhanka kale howlgallo ka wada Hiiraan iyo Galgaduud.