Al-Shabaab oo weeraro ka fulisay KENYA, xilli ay ka billowdeen doorashooyin

Nairobi (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay weeraro horleh ka fulisay dalkaasi.

Weeraradaan ayey kooxdu ku soo aadisay, xilli ay maanta dadka Kenyaanka ah u dareereen goobaha cod-bixinta doorashada guud ee dalkaas, gaar ahaan mida madaxweynaha.

Mid ka mid ah weerarada oo ka dhacay deegaanka Waraabeeyo oo hoostaga magaalada Mandera ayaa waxaa lagu ekeeyey xarun loogu talagalay doorashada, wuxuuna weerarka dhacay, xilli loo diyaar garoobayey doorashada oo maanta ka bilaabatay dalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ragga weerarka qaaday ay burburiyeen gebi ahaan xarunta uu weerarka ka dhacay, kadibna ay goobta isaga baxsadeen.

Sidoo kale weerarka labaad ayaa ka dhacay deegaanka Illile oo isna hoostaga Ceel-qaalow oo ka tirsan magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari, waxaana kadib halkaas ka qarxay dagaal toos ah oo u dhexeeyey ciidanka Kenya iyo xoogagii weerarka qaaday.

Ugu yaraan illaa 6 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Kenya ayaa la soo wariyey inay dhaawacyo soo gaareen, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Kenya oo ku aadan weeraradaasi oo ujeedkooda lagu sheegay in lagu carqaladeynayey doorashada.

Kooxda Al-Shabaab ayaa had iyo jeer weeraro qorsheysan oo khasaare kala duwan geysta ka fulisa gobolka Waqooyi Bari, Kenya oo xuduud dheer la leh Soomaaliya.