29.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Maxay tahay digniinta ay DF soo saartay ee ku socota Puntland?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SODMA) ayaa soo saartay digniin ku saabsan duufaan xooggan oo onkod iyo dabeylo wata, taas oo la filayo inay saameyn ku yeelato qaybo kamid ah gobollada Bari iyo Nugaal ee dowlad-goboleedka Puntland maalmaha soo socda.

Bayaan kasoo baxay hay’adda ayaa lagu sheegay in xaaladdan cimilo ay dhici karto inta u dhexeysa 12-ka illaa 17-ka bishan May, iyadoo la saadaaliyay roobab mahiigaan ah oo ay wehlinayaan dabeylo xooggan, hillaac iyo onkod fara badan.

SODMA ayaa sidoo kale ka digtay mowjado badeed sareeya iyo daadad xooggan oo ka dhalan kara roobabka la filayo, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara isu socodka bulshada, gaadiidka iyo howlaha kalluumeysiga ee xeebaha Puntland.

Digniinta hay’adda ayaa si gaar ah u quseysa deegaannada Eyl, Dangorayo, Bandarbayla, Qardho iyo magaalada Garoowe, kuwaas oo kamid ah meelaha la filayo inay sida weyn u saameeyaan isbeddellada cimilada ee socda.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ayaa shacabka ku nool deegaannadaas ugu baaqday inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, isla markaana ay qaadaan tallaabooyin looga hortagayo khasaaraha ka dhalan kara duufaannada iyo daadadka.

SODMA waxay bulshada kula talisay inay ka fogaadaan safarrada badda iyo howlaha kalluumeysiga inta ay digniintu socoto, maadaama mowjadaha sareeya iyo dabeylaha xooggan ay khatar gelin karaan badqabka dadka iyo doomaha.

Sidoo kale, hay’adda ayaa shacabka ku boorisay inay carruurta, dadka waayeelka ah iyo dadka nugul ka ilaaliyaan meelaha halista ah, isla markaana laga dheeraado geedaha dhaadheer iyo dhismayaasha daciifka ah xilliyada roobabka culus iyo dabeylaha xooggan.

Dhinaca kale, maamulka Puntland ayaan weli si rasmi ah uga hadlin digniinta ay soo saartay SODMA, inkastoo deegaanno badan oo maamulkaas ka tirsan ay muddooyinkii dambe ka jireen xaalado abaareed oo saameyn ku yeeshay nolosha dadka iyo duunyada.

Inta badan gobollada Puntland ayaa wajahaya abaaro xooggan, iyadoo roobkii gu’ga uu ka curtay meelo kooban oo keliya, taas oo sii kordhisay walaaca laga qabo xaaladda bani’aadannimo iyo saameynta ay roobabka duufaanta wata ku yeelan karaan bulshada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

- Advertisement -

Read more

Local News