30.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Taliyaha Xoogga oo Baydhabo u tegay fulinta laba qorshe + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud iyo wafdi saraakiil ah ayaa maanta gaaray magaalad Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wafdigan culus oo ka baxay Muqdisho ayaa halkaas waxaa kusoo dhaweeyay saraakiil ka tirsan Taliska 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka, Taliska qaybta Booliska gobolka Baay iyo mas’uuliyiin ka tirsan ciidamada Koonfur Galbeed.

Ujeedka safarka Taliye Ibraahim ee Baydhabo ayaa la xiriiray fulinta laba qorshe oo xasaasi ah, kuwaas oo dowladda ka damacsan tahay Baydhabo.

Arrinta koowaad ayaa ah sidii loo dardargelin lahaa howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta, si mar kale la’isugu daba rido ciidamada, ugana howlgalaan gobollada Baay iyo Bakool oo ay weli ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale, qorshaha kale ee labaad ayaa isna ah in la xoojiyo ammaanka magaalada Baydhabo iyo deegaannada ku xeeran, maadaam Koonfur Galbeed ay ku jirto doorasho, lagana hortagayo wax kasta oo liddi ku ah nabad-gelyada.

Taliyaha ayaa sidoo kale inta uu joogo gudaha magaalada la kulmi doono mas’uuliyiinta maamulka, saraakiisha amniga iyo shacabka oo uu kala hadli doono qorshaha xoojinta amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed.

Baydhabo ayaa waxaa dhawaan ka dhacay isbeddel maamul, kadib meesha laga saaray maamulkii Lafta-gareen, waxaana haatan ka socoto doorashooyin qof iyo cod ah oo lagu soo dooranayo goleyaasha deegaanka iyo wakiilada.

Natiijada ayaa haatan laga war sugayaa, iyada oo doorashadan ay si weyn ugu loolamayaan xisbiyadii horay isugu diiwaan geliyay doorashooyinka tooska ah.

- Advertisement -

Read more

Local News