Jowhar (Caasimada Online) – Xaalad kacsanaan ah ayaa kasoo korortay magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle, kadib markii xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay soo buux dhaafiyeen duleedka magaaladaasi.
Maleeshiyaadka kooxda oo wata gaadiidka dagaalka ayaa lagu arkay deegaano u dhow magaalada, taas oo keentay in cabsi ay dareemaan dadka deegaanka.
Xubnaha Al-Shabaab ayaa lasoo wariyay inay isku uruursanaayeen aaggaasi, iyaga oo durbo dhaq-dhaqaaqyo culus ka bilaabay tuulooyin hoostaga Jowhar, taas oo keentay xaalad horleh iyo in la dareemo cabsi la xiriirta ammaanka.
Sidoo kale waxaa iyaguna dhaq-dhaqaaqyo xooggan bilaabay ciidamada dowladda iyo daraawiishta HirShabelle oo adkeeyay amniga waddooyinka laga soo galo caasimada, si looga hortago haddii ay weerar soo qaadaan xubnaha soo qul-qulaya ee Al-Shabaab.
Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal oo kasoo baxay dhinaca maamulka HirShabelle oo ku aadan xaalada soo korortay iyo abaabulka Al-Shabaab ay ka wadaan halkaasi.
Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa maalmihii u dambeeyay xoogga soo saaray gobolka Shabeelaha Dhexe oo ay ka fuliyeen weeraro ay kula wareegeen deegaanno muhiim ah.
Todobaadkii hore ayay ahayd markii Al-Shabaab gudaha u gashay degmada Balcad oo qiyaastii 35 KM u jirta magaalada Muqdisho, kadib saacado kooban oo ay magaaladaasi haysteeen maleeshiyaadka Khawaarijta haddane dib looga saaray.