Al-Shabab oo ‘hub badan ka qaatay’ saldhigga ciidanka Maamulka JUBBALAND

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in xalay dagaal u dhexeeyey xoogaga Al-Shabaab iyo ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland uu ka dhacay degmada Dhoobley oo ku taalla koonfurta Soomaaliya.

Dagaalka ayaa ka dhashay weerar culus oo dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamada Nabad Sugida Jubbaland ay ku leeyihiin halkaasi, waxaana xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyey labada dhinac, kaas oo la’isku adeegsaday hubka cul-culus.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegey in iska horimaad ka dhacay halkaasi uu socday muddo saacado ah, isla-markaana ay maqlayeen dhawaqa rasaasta.

Al-Shabaab oo ka hadashay weerarkan waxa ay shaacisay inay ku burburisay saldhigga uu dagaalka ka dhacay, isla-markaana ay hub fara badan ka qaateen dagaalyahanadeeda.

Sidoo kale warka kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka iyo dagaalka xigay ay ku dileen askar ka tirsanaa ciidamada Jubbaland, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha Jubbaland iyo maamulka Dhoobley oo la xiriira dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey.

Xaaladda ayaa maanta kacsan, waxaana ciidamada Jubbaland oo kaashanaya kuwa Xoogga dalka ay haatan howl-gallo ka wadaan Dhoobley oo dhacda xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku yaalla gudaha dalka.