Sidee looga fal-celiyey dilkii weriye Cabdicasiis AFRIKA?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda dowladda, murashaxiin madaxweyne iyo xildhibaano ayaa ka hadlay geerida agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Afrika oo xalay lagu dilay qarax is-miidaamin ah oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Haddaba waa kuwan mas’uuliyiintii ka hadlay dilka iyo qoraalladooda.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble: Allaha u naxariisto Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika oo ku geeriyooday qarax caawa argagixisadu la beegsadeen. Waxaan geeridiisa uga tacsiyeynayaa qoyskiisa, bahweynta saxaafadda iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Cabdicasiis waxa uu ahaa saxafi howlkar ah iyo halyey qaran oo dalkiisa, dadkiisa iyo diintiisaba ugu soo shaqeeyay si geesinimo iyo hagar la’aan ah.

Naxariistii janno Allaha ugu deeqo annagana samir iyo Iimaan Allaha naga siiyo. Waxaan dhaawacyada Allaah uga baryayaa in uu deg deg u bosiiyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud: Eebbe naxariistiisa janno haka waraabiyo agaasimihii Radio Muqdisho C/Casiis Maxamuud Guuleed “Afika”, annagana sabar iyo iimaan ha naga siiyo. Waxa uu door lama illoobaan ah ka soo qaatay la dagaallanka fikirka xagjirka ah. 

Wasiirka Warfaafinta Cusmaan Dubbe: Cabdicaziz Afrika Agaasimihii Radio Muqdisho ayaa ku geeryooday qarax lala beegsadaty goor dhoweyd, waxa dhaawac ah Agaasimihii TV ga Qaranka Sharmarke Maxamed Warsame. Waxan tacsi u dirayaa qoyskii iyo qaraabadii iyo guud ahaan bahda warbaahinta oo dhan gaar ahaan Warbaahinta Qaranka Geerida naxdinta leh ee Cabdicasiis Afrika. Wuxu ahaa derbi ka dumay warbaahinta Dalka.

Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi: Allaha u raxmado Wariye Cabdicaziiz Maxamuud Guuleed Afrika, oo qaranka muddo dheer u soo shaqeeyey, waqti adagna hawlo adag soo qabtay, wuxuuna ahaa geesi u bareerey in uu xirfadiisa kula dagaalamo cadowga umadda.

Ehelka, asxaabta iyo Bahda warbaahinta ayaan si gaar ah ugu tacsiyaynayaa. إنا لله وإنا إليه راجعون

Xildhibaan Mahad Salaad: Allaha u naxariisto walaalkeen Wariye Cabdicasiis Afrika oo ugeeriyooday dhaawicii caawa fiidkii soo gaaray. Samir iyo iimaan Allaha ka siiyo ehelada, asxaabta iyo bahda warbaahinta ee uu ka geeriyooday.

Murashax Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelka, asxaabta, iyo bahda saxaafada geerida ku timid Allaha u naxariistee C/casiis Maxamuud Guuleed (Afrika). C/casiis Afrika wuxuu muddo ka soo shaqeeyey saxaafada dalka qaybaheeda kala duwan. Wuxuu ahaa geesi aan si aan ganbasho lahayn warbaahinta kula dirira fikirka gurracan ee xagjirka ah ee kooxda argagexisada Alshabaab. Allaha u naxariisto, sabar iyo iimaana Allaha naga wada siiyo. Aamiin