Muhaajiriintii ugu badnaa oo ku dhintay xeebaha Liibiya

Tripoli (Caasimada Online) – Warbixin ka soo baxday hay’adda socdaalka IOM ee hoostaga Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in horraantii todobaadkan ku dhowaad 100 muhaajriin ay ku dhinteen badda Mediterranean-ka ee waqooyiga xeebaha Liibiya.

IOM ayaa shaaca ka qaaday in dadka la xaqiijiyey dhimashadooda illaa iyo hadda ay gaarayaan 75 qof oo badi ka tegay Qaaradda Afrika.

Sidoo kale hay’adda ayaa xusay in 15 qof oo ka mid ah dadkaasi oo ku jiray xaalad halis ah ay soo bad-baadiyeen kalluumeysato, waxaana la geeyey dekedda Zuwara ee Liibiya.

Tahriibayaasha ku dhintay badda Mediterranean-ka ayaa hay’adda socdaalka ee IOM waxa ay sheegtay inay kusii jeedeen Talyaaniga, si ay uga si gudbaan Yurub inteeda kale.

Hay’adda IOM ma bixin macluumaad dheeri ah oo la xiriira arrintaas oo ay ku tilmaamtay mid musiibo ah.

Sanad kasta, kumanaan muhaajiriin ah iyo qaxooti ka yimid Afrika, Bariga Dhexe iyo Koonfurta Aasiya ayaa isku daya inay ka gudbaan halista badda Mediterranean-ka, iyaga oo raacaya doonyo buux-dhaafay oo aan ku habbooneyn in lagu safro.

In ka badan 1,300 oo rag, dumar iyo carruur ah ayaa ku dhintay illaa hadda sanadkan 2021, iyagoo isku dayaya inay ka gudbaan bartamaha Mediterranean-ka Liibiya iyo Tunisia, kuna sii jeeda Talyaaniga iyo Malta sida ay sheegtay hey’adda IOM.