Saddex QOF oo haraad iyo gaajo ugu geeriyooday GEDO

Garbahaarey (Caasimada Online)  – Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in haatan ay kasii dareyso xaaladda nololeed ee ka taagan gobolkaasi oo ka mid ah meelaha ugu daran ee ay hadda ka jiraan abaaraha laga soo warinayo gobollada dalka.

Inta la ogyahay illaa iyo hadda waxaa gaajo iyo haraad gobolkaas, gaar ahaan nawaaxiga Luuq ugu dhintay illaa saddex qof, sida uu xaqiijiyey Cali Kadiye Axmed oo ah guddoomiyaha maamulka degmadaasi.

Kadiye ayaa shaaca ka qaaday in saddexda qof ee dhintay laba ka mid ah ay ahaayeen caruur, wuxuuna tilmaamay inay xilligaas ku soo jeedeen gudaha degmada Luuq.

“Dhimashadu waxa ay mareysaa saddex ruux, Dadkaan oo ah reer Miyi ayaa dhex kusoo dhintay, qoysaska degen inta u dhaxeysa Garbahaarey & Luuq waxaa heysa abaar daran oo saameyn xooggan ku reebtay Noloshooda, keliya waxa ay qoysaskaan u baahan yihiin gurmad degdeg ah,” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka degmada Luuq oo la hadlay BBC.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in boqolaal kale oo qoys, islamarkaana ah barakacayaal ay soo gaareen degmada, isaga oo ka dalbaday hay’adaha samafalka inay u soo gurmadaan dadkaasi.

Deegaanada ugu daran ee xaaladaha bani’adanimo laga soo sheegayo ayaa waxaa ka mid ah Golweyn, Yurkud iyo deegaana kale oo dhaca inta u dhexeysa Garbahaarey iyo Luuq ee gobolka Gedo.

Xaaladaha nololeed ee ka jira gobolkan ayaa waxaa uga sii dartay biyo la’aan iyo cunno yari ay wajahayaan dadka ku dhaqan halkaasi.

Si kastaba, Jubbaland ayaa horay warbixinno uga soo saartay xaaladaha adag ee ka jira deegaanadeeda oo ka mid ah meelaha ay sida weyn u saameeyeen abaaraha ka jira dalka.