Al-Shabab oo ‘hub kala soo dagay’ xeebaha Puntland

Garoowe (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoonaan karo oo laga helayo gobolka Sanaag ayaa sheegaya in saacadihii la soo dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay hub fara badan kala soo dageen xeebta deegaanka Durdur oo ka tirsan gobolkaasi.

Hubka oo noocyo kala duwan isugu jira ayaa la sheegay in doon loo soo ekeysiiyey mid kalluumeysi lagu keenay deegaankaas oo hoosta degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag.

Wararka ayaa sheegaya in hubkaasi laga keenay dhinaca dalka Yemen, inkastoo aan weli laga helin faahin dheeri ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in hubkan ay xeebta Durdur ka qaadeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo la’aaday dhanka buuraleyda Calmadow

Dhinaca kale ma jiro weli wa hadal ah oo ka soo baxay dowlad goboleedka Puntland oo ku aadan hubkaasi la sheegay in kooxda Al-Shabaab ay kala soo degtay Sanaag.

Muddooyinkii u dambeeyey dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa dhaq-dhaqaaqyo culus ka waday dhulka buuraleyda ee Puntland, halkaas oo ay weli ku xoogan tahay.