Mareykanka oo xaqiijiyey in ciidamada Eritrea ay ku jiraan dagaalka Tigray   

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa rumeysan in askarta Eritrea ay ay ka tallaabeen xuduudda Ethiopia, si ay dowladda ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uga caawiyaan dagaalka ay kula jirto kooxda TPLF, inkasta oo labada dowladood ay beeniyeen, ilo-wareedyo ka tirsan dowladda Mareykanka iyo shan diblomaasi oo gobolka ku sugan ayaa sidaas u sheegay Reuters.  

Abiy iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa 2018-kii saxiixday heshiis nabadeed oo lagu soo geba-gebeeyey colaad labada dal ka dhaxeysay labaatan sano, waxayna hadda si isku mid ah ugu arkaan TPLF cadow.    

Qiimeynta dowladda Mareykanka ayaa abuureysa xaalad siyaasadeed oo cakiran, ayada oo Washington ay Ethiopia u arago isbaheysi muhiim ah oo u ku leedahay gobolka aan xasilooneyn ee Geeska Afrika, balse ku eedeysayEritrea xadgudubyo ka dhanka ah xuquuqda aadanaha oo daran.    

Caddeymaha ku lug lahaanshaha Eritrea ee dagaalka ee loo adeegsaday aragtida dowladda Mareykanka waxaa ku jira sawirro sataleyt, xiriir isgaarsiin oo dhexda laga qabtay iyo warbixino aan la isku haleyn karin oo laga helay gobolka Tigray, sida ay shan diblomaasi iyo ilo-wareedyo amni oo lagu war-geliyey qiimeynta Mareykanka ay u sheegeen Reuters.  

Ilo-wareed ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa xaqiijiyey fahamka sii kordhaya ee dowladda Mareykanka ay ka qabto arrintan.   

“Hadda iyo wixii ka dambeeya ma muuqato inuu shaki dambe jiro. Saraakiisha Mareykanka way ka wada hadleen arrintan ah in Eritrean-ka ay joogaan gobolka Tigray, balse uma sheegayaan si shaacsan,” waxaa sidaas yiri ilo-wareed ka tirsan dowladda Mareykanka. 

Diblomaasi kasoo jeeda dal kale ayaa ku raacay isaga oo sheegay in “kumanaan” askari oo Eritrean ah la rumeysan yahay inay qeyb ka yihiin dagaalka. 

Wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ma aysan xaqiijin go’aanka Mareykanka, inkasta oo afhayeen u hadlay uu sheegay in ku lug lahaanshaha Eritrea, haddii la caddeeyo, ay u arki doonaan walaac xooggan.   

Wasiirka arirmaha dibedda Eritrea Osman Saleh Mohammed oo ay la xiriirtay Reuters ayaa yiri “kuma lug lihin, waa dacaayad.”

Dowladda Ethiopia ayaa horey beenisay in cadowgeedii hore ee Eritrea ay hadda ka qeyb-galeyso dagaalka Tigray. Afhayeen u hadlay ra’iisul wasaare Abiy ayaa Reuters u sheegay in su’aalaha cusub ee la xiriira arrintan loo weeciyo Eritrea.