28.8 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

Cabsi ka jirta Villa Somalia & amaanka loo adkeeyay kadib markii la arkay…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in aad loo adkeeyay Amaanka Madaxtooyada Somalia kadib markii agagaarka Madaxtooyada lagu arkay ilaa Lix ruux oo watay gaari Cabdi Bile ah kaasi oo aan la garaneynin waxa uu yahay.

Afafka hore ee Xarunta ayaa waxaa la soo dhigay Ciidamo aad u hubeysan kuwaasi oo inta badan wadada ka mamnuucaayay gaadiidka shacabka iyo xittaa dadka sida caadiga ah u socda..

Ciidamada Amaanka ayaa baaraya gaadiidka hubeysan ee madaxda qaarkood iyo kuwa aan hubeysneyn, waxa ayna walaac ka muujinayaan ammaanka guud ee Xarunta, oo ay ka cabsi qabaan in weerar loo qorsheeyey.

Cabsidaani ayaa waxa ay imaaneysaa iyadoo muddo Afar maalin ay kasoo wareegatay markii is-beddel lagu sameeyay Taliyayaasha Ciidamada ilaalada ka ah Villa Somalia, oo laga shakiyey.

Lama Oga sida uu xaalku noqon doono waxa ayna cabsidaasi imaaday kadib markii Ciidamadu ay ka shakiyeen gaariga, oo aan la ogeyn halka uu ku dambeeyey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News