Amar culus oo kasoo baxay ra’iisul wasaare KHEYRE

Guriceen (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa amray in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka ka socda degaanada ku yaalla Xadka gobolada Galgaduud iyo Hiiraan.

Kheyre ayaa sheegay in aan xilliggaan  aan loo baahaneyn dagaal Sokeeye, waxaana Odayaasha dhaqanka uu ka dalbaday in ay ka qeyb qaataan sidii loo soo Afjari lahaa Colaadda beelaha wada degan Xadka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay mas’uuliyad weyn iska saari doonto sidii loo dhameyn lahaa dagaalka, islamarkaana nabad loogu soo celin lahaa degaanadaasi.

Kheyre ayaa ku sugan Magaalada Guriceel, waxaana uu halkaasi kulamo kala duwan kula leeyahay qeybaha kala duwan ee bulshadda.

Ku dhawaad 20 qof ayaa ku dhimatay maalmihii ugu dambeeyay dagaallo kala dhacay gobolada Hiiraan iyo Galgaduud oo u dhaxeeyay Maleeshiyaad hubeysan oo dhul daaqsimeed isku heysta.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com