Amarkii ay DF dul-dhigtay hay’adaha caalamiga oo u muuqda mid dhaqan galay

Muqdisho (Caasimada Online) – Amarkii ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya dul dhigtay hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya Soomaaliya, inay muddo 3 bilood ah xafiisyadooda Nairobi ugu soo raraan Muqdisho, ayaa u muuqda mid dhaqan galaya.

Hay’adda UNICEF ayaa noqotay tii ugu horeysay ee usoo guurta Muqdisho, kadib markii wasiirka qorsheynta Soomaaliya iyo Madaxa Bariga iyo Koofurta Africa ee Hay’adda UNICEF ay shalay si wadajir ah xariga uga jareen dhismaha cusub ee xafiiska UNICEF ee Soomaaliya.

Shaqaalihii Hay’adda UNICEF ee ka howlgali jiray dalka Kenya ayaa maanta wixii ka dambeeya shaqadooda ay tahay gudaha dalka Soomaaliya, taasoo muuqal wanaagsan ka bixinaysa u hogaasanaanta hay’adda baaqii dowladda ee ahaa in dalka ay mudo kooban ugu howlgalaan.

Madaxda Bariga iyo Koofurta Africa ee Hay’adda UNICEF Leyla Bakar ayaa tiri “Waxaan maanta u soo wareejinay xafiiska maamulka Magaalada Muqdisho kaas oo si wadajir ah uga shaqeyn doona Muqdisho iyo qeybaheeda kala duwan, muhiimad gaar ah ayee ii leedahay maanta in halkan aan joogno”.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa tilmaayay in maanta micno weyn dalka ugu fadhiyo xafiiska Soomaaliya ee UNICEF si rasmi ah in dalka uga shaqo bilaabo, isla markaana uu shaqo abuur ay u noqon doono Muwaadiniinta.

Amarka dowladda Soomaaliya ee soo baxay 29-kii August ayaa Jamaal Maxamed Xasan, wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah, wuxuu ku yiri “Waxaan u sheegeynaa hey’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya mashaariicda Soomaaliya inay Soomaaliaya joogaan, waddanka deggan yihiin, shaqaale Soomaaliyeed qortaan, canshuur bixiyaan, xarumahooda waddanka ahaado, waqtigii Nairobi la joogi jiray, oo Soomaaliya loo iman jiray shaqo maalin ah, ama 2 maalin ah waa dhammaatay”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com