NUXURKA khudbadaha ay QM ka jeediyeen madaxda ugu saammeynta badan

Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa ka socda Magaalada Newyork ee Dalka Mareykanka,waxaana ilaa hadda hadlay madaxda ugu saameynta badan xilligan,sida Madaxweynaha Iraan,kan Mareykanka, midka Turkiga, Ra’isalwasaaraha France iyo hoggaamiyayaal kale oo ay ku jiraan boqorro iyo Amiirro.

Xasan Ruuxaani-Iraan:  “Dhaqaale argagixin”

Madaxweynaha Iraan,Xasan Ruuxaani

“Cunaqabateynta uu Mareykanka saaray Iraan waa aragixiso dhaqaale,amaanka adduunka oo dhan ayaa halis ku jira,waxaana sidaas yeelaya dalal yar, kuwaas oo aan xushmeyn xeerarka caalamka,kuna caanbaxay sharaf dilka iyo mas’uuliyad xumada.”

“Waxaa  nasiib xumo ah in caalamka maanta wajahayo madax yar oo isku dayay in ay caalamka ku xukumaan danahooda gaarka ah iyo rabitaankooda,iyaga oo u maraya argagixisanimo,isir naceyb, iyo dhaqankii naaziyiinta oo la dhiirrageliyo”.

“Trump, waxaa uu raadinayaa in uu afgambiyo hoggaanka sare ee Iraan,waxaana uu u marayaa argagixinta dhaqaalaha Iraan,isaga oo cunaqabateyn saaraya”.

Sheikh Tamim-Qadar : “Diid in qasab laguugu maamulo,laguna xalliyo murannada”.

Image result for Sheikh Tamim UNGA
Sheekh Tamiim, AMiirka Qadar.

Amiirka Dalka Qadar Sheekh Tamiim,ayaa sheegay in dalkiisa uu diiday in qasab lagu maamulo,khilaafaadkana xoog lagu xalliyo.

Tan iyo go’doomintii dalalka Khaliijka,markii 2aad ayaan ka khudbeynayaa Golaha Guud ee Qaramada Midoobey,Qadar,maanta ayey ka dhaqaale xooggan tahay sidii hore kana wanaagsan tahay,wax kasta waa la isku dayay si loo dhibaateeyo Qadar, laakiin dhinaca ay nala rabeen dhinac ka duwan ayaan u soconnaa”.

Boqor Cabdalla-Jordan “Diida xalka hal dal oo Israel ah kuma jiree”

Image result for King Abdullah UNGA
Boqor Cabdalla, Joordan

Boqor Cabdallaha Joordan ayaa hoggaamiyayaasha Caalamka ugu baaqay in ay isugu tagaan sidii xal kama dambeys ah looga gaari lahaa colaadda Israel iyo Falastiin.

“waxaan hoggaamiyayaasha halkan jooga xusuusinayaa xalka Israel iyo Falastiin kuam jiro dowlad kali ah oo Israel ah oo la aqoonsado,ee waa in la helaa laba dowladood oo Falastiin iyo Israel ah”

“Qalalaasaha iyo dhibka ugu badan ee ka jira bariga dhexe waa dafiraadda xuquuqda Falastiiniyiinta”.

Emmanuel Macron- France “ waa in wadahadal lagu dhameeyaa muranka Heshiiskii Nukliyeerka ee Iraan”.

Image result for Emmanuel Macron UNGA
Emmanuel Macron,Madaxweynaha France.

“wadahadal ayaa ugu wanaagsan in lagu wajaho,wax ka qabashada heshiiska Iraan iyo Caalamka ee dhinaca Nukliyeerka,waana in aan la aqbalin cunaqabeynta Mareykanka ee Iraan”.

“waan xallin karnaa guud ahaa xolaadda iyo is fahamwaaga Bariga dhexe,xalkuna waxaa uu ku jiraa laba dowladood oo Israel iyo Falastiin ah”.

Erdogan- Turkiga ‘xal siyaasadeed waa in loo helaa Syria”

Image result for Erdogan UNGA
Erdogan, Madaxweynaha Turkiga.

Recep Tayyip Erdogan,ayaa ugu baaqay hoggaamiyayaasha Caalamka in ay xal siyaasadeed oo waara ka gaaraa colaadda Dalka Syria,ka hor inta aysan xaaladda bani’adamnimo ka darin.

“Turkiga iyo Ruushka waxaa ay todobaadkii la soo dhaafay ku heshiiyeen in la sameeyo aag ka caaggan dagaalka Gobolka Idlib,halkaas oo ay mucaarid heystaan kuna noolyihiin 3milyan oo qof”

“kuwa hubeya,qalabeeya sidoo kalena kumamaan Gaadiidka dagaalka iyo diyaaradaha siiya argagixisada,waxaa ay mustaqbalka u dambeyn doonaan murugada”.

“Qaramada Midoobey waxaa ay ku fashilantay xallinta dhibta shucuubta dalalka  Palestine, Myanmar iyo Bosnia,adduunyadu waa iska indha tirtay,laakiin Turkiga kama jeedsanayo”

“kuwa ka aamusan Falastiin,Bosnia, Rahinga iyo dadka kale ee dhibaateysan,kaliya argagixisada ay dhiirragelinayaan”.

Trump –Mareykanka “la ganacsiga China ee aan dheelli tirneyn lama aqbali karo”.

Image result for Trump UNGA
Donald Trump.Madaxweynaha Mareykanka.

Donald Trump, ayaa sheegay in Mareykanka uusan aqbaleyn in Ganacsiga China iyo Mareykanka uu China kaliya ku faa’ido,kuna khasaaro Mareykanka.

 “Labaatankii Sano ee la soo dhaafay,waxaa uu uu Mareykanka ku khasaaray China lacag dhan $13 Tiriliyan oo dollar,mana aha wax sii socon kara, China waxaa ay xaddaa dadka caqliga iyo wax soo saarka leh ee Mareykanka,waxaana Mareykanka ka cowdaa shaqo la’aan”.

“Iraan waa in caalamka oo dha go’doomiyaa,waa in la diidaa shidaalkeeda,hoggaamiyayaasha Iraan waxaa ay qas,bur burin iyo dil kawaddaa deriskeeda Bariga dhexe”.

“Kheyraadka Iraan,hoggaamiyayaasha dalkaas iyaga ayaa isku bacrimiya,dalalka deriska la ah khasaare badan ayaa ka soo gaaray qorshaha gardarrada ah ee is fidinta”

Guterres- Qaramada Midoobey: “ma sameyneyno wax nagu filan”.

Image result for Guterres UNGA
Guterres, Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey.

“Adduunku waxaa uu ka cabanayaa is aaminaad darro, iyo amar ku taagleyn,dadka adduunka waxaa ay luminayaan aaminaadda siyaasadeed,awoodeed iyo dimuqraadiyadda ee caalamka,inta badan adduunka waa isku xiranyahay,haddana dib ayaa loo socdaa”.

W/D: Adam Ibrahim Farah (Showqi).