Amiirka QATAR oo QM ka jeediyey hadal Sacuudiga & xulafadiisa ka careysiiyey

New York (Caasimadda Online) –  Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa ka socda Magaalada Newyork ee Dalka Mareykanka,waxaana ilaa hadda hadlay madaxda ugu saameynta badan xilligan,sida Madaxweynaha Iraan,kan Mareykanka, midka Turkiga, Ra’isalwasaaraha France iyo hoggaamiyayaal kale oo ay ku jiraan boqorro iyo Amiirro.

Amiirka Dalka Qatar Sheekh Tamiim ayaa hadal culus ka jeediyeyShirka Qaramada Midoobe ayaa halkaas ka sheegay hadalo aysan jecleysan Dowladda Sacuudiga iyo Dowladaha kale ay Xulafada yihiin.

Amiirka Dalka Qadar Sheekh Tamiim,ayaa sheegay in dalkiisa uu diiday in qasab lagu maamulo, khilaafaadkana xoog lagu xalliyo.

“Tan iyo go’doomintii dalalka Khaliijka,markii 2aad ayaan ka khudbeynayaa Golaha Guud ee Qaramada Midoobey,Qadar,maanta ayey ka dhaqaale xooggan tahay sidii hore kana wanaagsan tahay” ayuu yiri Boqorka Tamiim.

Isagoo hadalkiisa sii wato ayuu mar kale yiri : ” Wax kasta waa la isku dayay si loo dhibaateeyo Qadar, laakiin dhinaca ay nala rabeen dhinac ka duwan ayaan u soconnaa”.

Hadalkaan ayaa durba qabsaday Baraha Bulshada ee dadka u dhashay Sacuudiga iyo Imaaraadka, wuxuuna dowladahaas ku noqoday laf dhuungashay maadaama uu Boqorka si cad Qaramada Midoobay uga hor gudbiyey in dalkiisas uu hormary.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com