Soo dhaweyntii Somaliland u sameysay Qalbidhagax oo muujisay saddex arrin

Maamulka Somaliland waxa uu shalay Hargeysa ku soo dhaweeyeen Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax oo ka tirsan Jabhadda ONLF.

Tallaabadan waxa ay fajaciso ku noqotay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Somaliland oo joobjoog u ahaa tacadiga uu maamulkooda ku hayn jiray xubnaha OLNF.

Somaliland waxaa laga dhoofin jiray saraakiisha ka tirsan ONLF oo gabaad ka soo dhigta gobolada Waqooyiga Soomaaliya siiba meelaha ay ka arrimiyaan Somaliland.

Gooni kuma aha Somaliland maamulada caadeystay in ay Itoobiya weji uga raadsadaan u gacan galinta mujaahidiinta ONLF. Puntland, Galmudug iyo waliba Dowladda Federaal-ka Soomaaliya ayaa ficilladaas gurracan qeyb ka gaystay.

Balse soo dhoweyntii Qalbi-Dhagax loogu sameeyey Hargeysa waxaa igaga baxay saddex arrimood.

1 – Munaafaqnimada siyaasiyiinta Somaliland

Siyaasiyiinta Somaliland waxa ay muujiyeen weji munaafaqnimo ah, maadama ay bedeleen mawqifkii ay ka taagnaayeen ONLF oo ay u yaqaaneen urur argagixiso ah. In ayaga oo xubnaha ONLF u dhiibi jiray Ethiopia ay iminka soo dhoweeyaan sarkaal sidoo kale Ethiopia loo dhiibay waxay muujineysaa kaliya in ujeedkoodu aanu ahayn wax ka baxsan ceebeynta dowladda federaalka Soomaaliya.

2 – Dhimashada TPLF

TPLF oo muddo 27 sano ah ka talineysay Itoobiya ayaa cadaadis ku saari jirtay maamulada Soomaaliya ka jira in ay u soo gacan galiyaan cid walba oo siyaasadeeda liddi ku ah, ONLF ayaana ugu weyneyd!

Qalbidhagax oo lagu soo dhaweeyey Hargeisa, waxa ay tusaale u tahay jabka soo gaadhay jabhadda Tigreyga ah ee TPLF iyo sida Soomaalida ay dhinac uga raaceen is-beddelada Abiy Ahmed, oo ay u hilmaameen cabsidii ay ka qabeen TPLF.

3 – Reer Somaliand oo weli ay ku jirto Soomaalinimo

Dadka reer Somaliland, mar haddii calanka shanta gees, oo qeyb ka ah calanka ONLF ay ku soo dhaweeyeen Hargeysa, waa astaan muujineysa in weli ay ku jirto Soomaalinimo. Qalbi-Dhagax kuma aysan soo dhoweyn shacabka Somaliland wax ka baxsan inuu yahay qof Soomaali ah, oo dhibaato loo gaarsiiyey Soomaalinimo. Ogow calanka shanta gees ee xiddig ah leh, waa mid ka turjumaya qadiyadda Soomaali weyn!

W/Q: Yuusuf Axmed Guuleed
Hargeysa, Somaliland

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid