Cabdi Weli Gaas oo dejiyey qorshe uu ku arbushayo doorashada PUNTLAND

Sida warar lagu kalsoon yahay ay sheegeen, Madaxweynaha Puntland ee waqtigu kasii dhamaanayo ayaa waxaa uu damacsan yahay inuu dagaal ka bilaabo furinta hore ee Tukaraq inta aan la gaarin doorashada ka dhaceysa maamulkaan Jan, 2019.

Gaas oo maalmihii lasoo dhaafey booqaho ku  joogey gobolka Sanaag hadana ku sugan magaalada Boosaaso ayaa inta uusan magaalada Garowe ka ambabixin waxaa uu kulan la qaatey qaar ka tirsan saraakiisha ciidamada ee ku sugan aaga hore ee tuulada Tukaraq isagoo u sheegey iney u diyaar garoobaan duulaan lagu qaado ciidamada kasoo horjeeda ee Somaliland balse arinkaas ayay ku tilmaameen mid aan suurtagal aheyn waqtigaan lagu jiro.

Madaxweyne Gaas, ayaa damacsan in doorashada soo socota ku carqaldeeyo dagaalo cusub.

Dhinaca kale xogtaan ayaa waxay sheegeysaa in furinta hore ee ciidamada “Tukaraq” ay shalay tageen Sadex Wasiir oo ka tirsan xukuumada Gaas kuwasoo kulan la qaatey saraakiisha ku sugan halkaas. Sida xogo lagu kalsoon yahay xusayaan Wasiiradaaan ayaa fariin ay ka wadaan Madaxweynaha Puntland u geeyey saraakiisha ciidamada taasoo aheyd iney diyaar garoobaan balse waaku gacan seyreen.

Sidoo kale waxaa wayadaan dambe aad u xumaa xiriirka u dhexeeya Taliyaha guud ee ciidamada Puntland iyo Madaxweyne Gaas kadib markii warar soo baxeen sheegaya inuu damacsan yahay inuu badalo balse arinkaan ayaa dib u dhac ku yimid kadib markii saraakiil sare oo laga codsadey iney xilkaan qabtaan ka cududaarteen.

Tuulada Tukaraq ayaa waxaa ciidamada Somaliland qabsadeen Jan,2018, iyadoo mudado Sideen bilood ah maamulka uu Madaxweynaha ka yahay Gaas ku guuldareytey inuu dib ugu soo celiyo gacanta maamulkaan.

Madaxweyne Gaas oo hadda ku sugan magaalada Boosaaso ayaa waxaa maalintii shaley lagaga diley labo askari oo ka tirsan ilaaladiisa gaarka ah iyadoo loo maleynayo in falkaan ay gaysteen kooxaha argagixisada ah ee kusoo xoogeystey wayadaan dambe gobolka Barri.

Isha: Garowe Online