Amina Erdogen oo shaaca ka qaaday sababta dalka TURKIGA loo jecel yahay

Ankara (Caasimadda Online) – Amina Erdogen oo ah Marwada Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegtay in dalkeeda uu kaalinta koowaad ugu jiro howlaha gargaarka Bani aadamnimo ee Caalamka.

Iyada oo ka hadlaysay Shir looga hadlayay Gargaarka Bani aadamnigada iyo dhaqaalaha ku baxa ayay soo qaadatay in dalal dhowr ah ay taageereen.

“Waxaan kaalin muhiim ah ka ciyaarnay gurmadyada la siiyo dalalka u baahan in lagu caawiyo” ayay tiri Amina Erdogen.

Waxa ay intaa ku dartay in ay sii wadi doonaan kaalmadooda ay ku gaarsiinayaan dadka u baahan, waxa ayna meesha ka saartay in in ay deyn  ugu dhigayaan dalalka ay gacan siinayaan.

Amina ayaa tiri “Waxaan Nolol iyo Cadalad u rajeynayaa Walaalaheen Soomaaliya, Yemen, Siiriya, Gaza iyo Myanmar”.

Gargaarka ay dhiibayaan ayay tilmaantay in ay waajib ku tahay in ay siiyaan dadka u baahan, iyada oo intaa sii raacisay in waddooyinkii gargaarka ay sameeyeen ay ahayd tallaabo kusoo beegan tahay xiligeeda.

Wadamada kale ee Caalamka ayay ku bogaadisay Marwo Amina Erdogen in ay ku daydaan Turkiga oo kaalin Muuqata ku leh dalalka kor ku xusan ee dadkooda la daalaa dhacayaan duruufaha heysta.

Sanadkii tagay 2017-kii gargaar ay siiyeen 134 dal waxa ay tilmaantay in ay ka fa’ideysteen 201.5 Milyan oo qof oo ah shaqsiyaadka Mudan in ay gacan gurmad gaarto.

Amina ayaa sheegtay in gargaarkaas uu dhaliyay in dadkaas jaceyl u qaadaan Dowladda Turkiga, iyagana aysan dayaci doonin dadkaas oo si lamid ah u jecel yihiin sida ay hadalka u dhigtay.

Ugu dambeyn waxa ay sheegtay in aan go’i doonin  Gargarkooda, waxa ay raacisay in ay gaarayaan Myanmar, Marinka Gaza iyo dalal kala duwan oo Afrika ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com