Yaa ka danbeeyay safarka C/Kariin Qalbi-Dhagax uu ku gaaray SOMALILAND?

Hargeysa (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland gaaray Sarkaalka ONLF Cabdikariim Xaaji Muuse Qalbi-dhagax.

Qalbi-Dhagax ayaa markii uu gaaray Somaliland kulamo hordhac ah la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka iyo kuwa xisbiyada mucaaradka.

Cabdikariim Qalbi-dhagax ayaa noqonaaya sarkaalkii ugu horeeyay ee ONLF ah oo lagu soo dhaweeyo Hargeisa.

Qalbi-dhagax ayaa hadal kooban oo uu u jeediyay dadweynaha soo dhoweeyay wuxuu ku sheegay inuu salaan uga sido dadka reer Somaliland hogaamiyaha iyo xoghayaha guud ee Jabhada ONLF.

Waxa uu Qalbi-Dhagax tilmaamay in Ujeedka socdaalkiisa uu yahay sida loo balaarin lahaa ONLF iyo in socdaal kawarqab ah ay la sameeyan maamulka Somaliland, isagoo ka mahadnaqay soo dhoweynta diiran ee uu kala kulmay hargeysa.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID ee Somaliland Feysal Cali Waraabe oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu isaga ka danbeeyay talaabada Qalbi-Dhagax uu ku yimaaday Somalinad.

Feysal waxa uu tilmaamay in wakhti badan uu galiyay sida Qalbi-Dhagax uu ku geyn lahaa Hargeysa waxa uuna cadeeyay in ujeedkiisa uu yahay in meesha laga saaro tashwiishka Somaliland iyo ONLF.

“Aniga ka Feysal Cali Waraabe ahaan ayaa ka danbeeyay in Qalbi-Dhagax uu soo gaaro Somaliland, waxaa muhiim ah in la sameeyo isku soo dhawaanshi shexmarta Somaliland iyo ONLF”

Sidoo kale, Feysal Cali ayaa cod dheer ku sheegay in xisbigiisa uu ka faa’iideysan doono Qalbi-Dhagax maadaama uu aad ugu wacan yahay dhinaca wax toosinta.

Haddalka Feysal Cali Waraabe ayaa kusoo beegmaya xili maamulkii hore ee Axmed Siilaanyo uu Ethiopia u gacan galiyay Saraakiil ka tirsanaa ONLF.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

Caasimada@live.com