Duufaano xooggan oo ku wajahan qeybo ka mid ah Somaliland (Digniin culus)

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in duufaano xoogan ay kusoo fool leeyihiin deegaanada maamulka.

Axmed Muumin Seed, Wasiirka wasaarada beeraha Somaliland oo saxaafada kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay jirto cabsi xoogan ku aadan duufaanta.

Waxa uu tilmaamay in duufaanta ay wadato roobab lixaad leh oo saameyn weyn ku yeelankara inta badan deegaanada maamulka.

Wasiirka waxa uu cadeeyay in duufaanta dabeysha wadata ay kusoo beegan tahay bisha soo socota ee Octoober iyo bilaha ka dambeeya, sida uu hadalka u dhigay.

Roobabka duufaanta wata ayuu sidoo kale sheegay in xoogooda ay saameyn ku yeelan doonaan gobolada bariga ka ah Somaliland, waxa uuna ku baaqay in mar waliba shacabka laga doonaayo inay u diyaar garooban.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in shacabka Somaliland loogu baahan yahay iney sameeyaan feejignaan dheeri ah loona baahan yahay iney wada shaqeyn dhaw la yeeshaan hay’addaa shaqada ku leh ee Somaliland.

Haddalka Wasiirka Beeraha Somaliland ayaa kusoo beegmaya xili Somaliland ay horay u marti galisay roobab dabeylo watay.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

Caasimada@live.com