Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ka taagnaa culeys oo ay wajahayaan dhalinyarada ku shaqeysata mootooyinka laba lugaaleyda ah ee loo yaqaano Fekon-ta, kuwaas oo ka cabanaya ciidamada ammaanka.
Dhalinyarada ku shaqeysata mootooyinkan oo ka carooday dhibaatada lagu hayo, ayaa maanta dibad-bax wayn ka dhigay magaalada Muqdisho oo ay isugu soo baxeen.
Sidoo kale dhalinyarada ayaa xirtay isgoyska KM4, halkaas oo markii dambe ay tageen ciidamo Boolis ah iyo saraakiil la socotay, si xaaladda loo qaboojiyo.
Mid kamid dhalinyarada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in habeennadii la saaro xayiraad, isla markaana ay ka shaqeysan waayeen ciidamada jooga baraha kontaroolada.
“Niman qaa’iimiin ah ayaa waddada noo taagan xalay Xaaji Baasto ayaa laygu qaybtay, waxaana la’i daayay lix saac oo saq-dhexe ah, koorsadana waa layga dajiyay ma i qabataa?” ayuu yiri mid kamid ah dhalinyarada ku shaqeysta mootooyina ee dibadbaxay.
Waxaa kale oo uu raaciyay “Annaga oo Fekon-ley ah ayaa waddada xiranay, haddii nagala qaban waayo Nabad-sugidda way noo xirnaanee waddada, waana sii wadeynaa dibad-bax”.
Darawal kale oo isna hadlay ayaa sheegay in xittaa lacago baad ah laga qaado, sidoo kalena la jir-dilo, marka ay marayaan waddooyinka waawayn, sida uu hadalka u dhigay.
Dhalinyaradan ayaa farriin culus u diray Dowladda Soomaaliya, waxayna madaxda sare ka dalbadeen inay arrintooda soo farogeliyaan, waxna laga qabto culeyska ay cabanayaan.
“Ciidanka haddii aad wax siin wayso way ku xiranayaan war dowladda wax hanoo qabato haddii ay sidaan wax ka beddeli wayso nolosha wax noo tari mayso adduunka ilimaheyna way ku rafaadsan yihiin, annagana waa rafaadsanahay” ayuu yiri darawal kale.

