28.9 C
Mogadishu
Saturday, January 17, 2026

Axmed Madobe oo xaqiijiyay guul weyn oo lagu gaaray iskaashiga saddex dhinac

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay howl-gallo culus oo ka dhacay gobolka Jubada Hoose, kuwaas oo lagu laayay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, sidoo kalena lagu burburiyay saddex gaari oo ay qaraxyo kasoo buuxisay kooxda.

Axmed Madoobe ayaa shaaca ka qaaday in howl-galladan oo ay iska kaashadeen saddex dhinac oo kala ah Daraawiishta Jubaland,  Danab iyo saaxibada caalamiga ah lagu naafeeyay maleeshiyaadka kooxaha Khawarijta, wuxuuna bogaadiyay guulaha ay ciidamada kasoo hooyeen howlgalladii ugu dambeeyay.

“Waxaan si buuxda u bogaadinayaa howlgalka wadajirka ah ee ay maalmahan ka wadeen deegaano kala duwan oo ka tirsan Gobolka Jubada Hoose, Ciidamada Dowladda Jubaland, Kumaandooska Danab, iyo saaxiibada caalamiga ah ee naga taageera dagaalka ka dhanka ah argagixisada, kaasoo si weyn loogu naafeeyay kooxaha Khawaariijta ah” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubaland ayaa sidoo kale xaqiijiyay in howlgalladan lagu laayay in ka badan 70 xubnood oo ka tirsanaa argagixisada, sidoo kalena laga soo furtay hub kala duwan.

Axmed Madoobe ayaa intaasi kusii daray in la burburiyay gaadiid ay qaraxyo kusoo rarareen Al-Shabaab oo uu tilmaamay inay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka.

“Howlgalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaanka Maqooqaha, oo qiyaastii 13km u jira deegaanka Buulo Xaaji, ayaa lagu dilay in ka badan 70 xubnood oo ka tirsan Khawaariijta. Intaa waxaa dheer, ciidamada ayaa kusoo furtay hub kala duwan, waxayna burburiyeen saddex gaari oo qaraxyo siday” ayuu mar kale qoraalkiisa ku yiri Axmed Madoobe.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Ciidamada wadajirka ah ee Jubaland iyo Kumaandooska Danab ayaa dhiiggooda u huraya sugidda nabadda iyo badbaadinta shacabka. Waxay si geesinimo leh uga shaqeynayaan sidii deegaanka looga cirib tiri lahaa Khawaariijta, loogana dhigi lahaa meel ka caagan argagixisada”.

Ugu dambeyn wuxuu guul wayn u rajeeyay ciidamada isbaheysanaya ee haatan howl-gallada culus ka wada gobolka Jubada Hoose, si ay uga xoreeyaan Al-Shabaab.

“Waxaan rajeyneynaa in maalmaha soo socda ay gaari doonaan guulo hor leh oo mira-dhal ah, kuwaasoo xoojin doona dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida Jubaland” ayuu warsaxaafadeedka kusoo gabagabeeyay.

- Advertisement -

Read more

Local News