28.9 C
Mogadishu
Friday, January 16, 2026

Faah-faahinta haweeney si arxan darro ah seygeeda ugu dishay Laascaanood

Bookmark
Bookmarked

Share

Laascaanood (Caasimada Onine) – Taliska Ciidamada Booliska SSC-Khaatumo ayaa maanta faah-faahin ka bixiyay dhacdo argagax leh oo Talaadadii ka dhacday Laascaanood, kadib markii haweeney kamid ah dadka deegaanka ay si arxan darro ah u dishay seygeeda.

Booliska oo qaaday tallaabo deg-deg ah ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysane Aamina Axmed Maxamuud, taas oo ninkeedii ku dishay toorey ama mindi, kadib muran soo kala dhex-galay.

Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ayaa waxaa lagu sheegay in maxuumka oo lagu magacaabi jiray Khaalid Cali Xuseen uu u dhintay mindida ay ku dhufatay xaaskiisa, waxaana haatan kiiska la wareegay hay’adaha amniga.

“Ciidanka Booliska Caasimada Laascaanood wuxuu hawl gal uu sameeyey kusoo qabtay eedeysanad Aamina Axmed Maxamuud ina Faadumo Ismaaciil 26 Jir ah, taas oo subaxnimadii hore ee Talaadada mindi amatToorey ay ku dhufatay uu u geeriyooday Sayigeedii (Ninkeedii) Marxuum Khaalid Cali Xuseen oo ay ku wada noolaayeen Laascaanood” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Taliska Booliska SSC-Khaatumo.

Sidoo kale Booliska ayaa shaaca ka qaaday in haweeneyda xiran la horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga wafaaqsan.

“Eedaysanadu waxay wajihi doontaa Laamaha garsoorka iyo cadaaladda dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo.” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dhacdadan ayaa argagax ku reebtay bulshada reer Laascaanood, waxaana sidoo kale si weyn looga hadal hayaan baraha bulshada oo dadku falanqeynayaan dilkaasi.

Laascaanood ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay kusoo badanayay dhacdooyinka argagaxa leh, waxaana ahayd dhowaan markii magaaladaasi lagu kufsaday labada gabdhood oo walaalo ah, kadib markii ay u gacan u galeen koox dhalinyaro ah.

Falkaasi tacaddiga ah ayaa waxaa loo soo xiray illaa 24 eedeysane oo haatan sugaya maxkamadeyn, iyada oo SSC ay ballan qaaday in dhibanayaasha ay heli doonaan cadaalad.

Arrintan ayaa sidoo kale dhalisay hadal-heyn xooggan iyo cambaareyn, iyada oo si aad ah baraha bulshada loogu baahiyay tacaddiga loo gaystay labada gabdhood.

Fahiima Qooje oo kamid ah gabdhaha caanka ah eee reer SSC-Khaatumo ayaa soo jeedisay in la ciqaabo dambiileyaasha, isla markaana lagula xisaabatamo falka gurracan ee ay gaysteen.

“Waxaan si adag uga xumahay Kufsiga loo geystay labada gabdhood waa dambi laga naxo, mana aha wax laga aamuso. Waa dhacdo ugub ku ah magaalada, waana in laga qaado tallaabo adag” ayay tiri Fhiima.

Waxaa kale oo ay sii raacisay “Waxaan si buuxda u cambaareynayaa falkaas. Waxaan sidoo kale u taaganahay garab istaagga gabdhaha Soomaaliyeed iyo ilaalinta xuquuqdooda.

 

- Advertisement -

Read more

Local News