Arusha (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya iyo Tanzania ayaa maanta gaaray heshiis iskaashi oo ku saabsan Gaadiidka iyo Duulista Hawada.
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ku tagay caasimadda dalka Tanzania ee Dar es Salaam.
Wafdigana ayaa halkaasi kulan kula yeesheen wafdi uu hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Bariga Afrika ee Tanzania, Danjire Mahmoud Thabit Kombo, oo ay weheliyaan Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka iyo Maareeyaha Guud ee Air Tanzania.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhanka Gaadiidka Hawada, is-weydaarsiga khibradaha, tababarada shaqaalaha iyo horumarinta isu socodka duulimaadyada rayidka ah.
Waxaa si gaar ah loo falanqeeyay heshiiskii iskaashiga caalamiga ah ee BASA agreement, waxaana laga gaaray qodobadan:
1. In diyaaradda Air Tanzania ay duulimaad toos ah ku timaado Soomaaliya toddobaadyada soo socda.
2. In la kala saxiixdo tababarro la xiriira shaqaalaha duulista rayidka ah ee labada dal.
3. In la saxiixay heshiis hordhac ah oo fududeynaya isu socodka duulimaadyada rayidka ah (BASA).
Wafdiga ayaa ugu dambeyntiina ka qeyb-galay xuska 65-guurada Xorriyadda 1-da Luulyo oo lagu qabtay Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania. Wafdiga ayaa uga mahadceliyay dowladda Tanzania iyo Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi martigelinta iyo soo dhawaynta.












