Xogta SIYAASIYIINTA ugu hantida badan caalamka iyo xadigga hantidooda

Hordhac: Hore waxaan idiinkusoo bandhigay Siyaasiyiintii ugu caansanaa ee naftooda ku waayey siyaasadihii ay ku jireen dartood, kuwaas oo shirqoolo qarsoodi ah lugu laayey. Qaybtan maanta waxaan idiinkusoo bandhigayaa 10ka Madaxweyne ee ugu hantida badan madaxda caalamka, iyadoo boqorada wadamada carabtu ay kaalmaha sar sare uga jiraan liiskan.

Vladimir Putin (Ruushka) – $40 billion

Madaxweynaha hada talada dalka Ruushka haya, Vladimir Putin ayaa kaalinta koowaad ka galay tobanka madaxweyne ee ugu hantida badan madaxweynayaasha caalamka. Hantida madaxweyne Putin ayaa lugu qiyaasay in ay kor u dhaaftay 40 bilyan oo doolar ($40 billion dollar), doorashadii 2007 ee uu ku guulaystay Putin waxa uu wakhtigaas sheegay in hantidiisu aad u yartay isagoo sheegay keliya in uu haysto hanti dhan 150 kun oo doolar (150,000 dollar), sidoo kale waxa uu hadda leeyahay 11 meelaha lugu raaxaysto, inkastoo warbixin aan la cadeyn ay sheegayso in hantida Putin dhantahay 70 bilyan oo doolar, warbixinta ayaa tiradda ku dartay shirkado waaweyn oo ka shaqeeya gudaha dalka Ruushka, shirkadahaas oo kamid yihiin “Shirkada ugu weyn dhanka saliidaha ee Surgutneftegaz, iyo shirkada kootada ku haysata gaasta dabiiciga ah ee Gazprom”, si kastaba ha ahaatee ilaa hadda waxa la isku waafaqsan yahay hanti dhan 40 bilyan in haysto madaxweyne Putin.

3. Hassanal Bolkiah,(Suldaanka M/Goboleedka Brunei) – $20 billion

Brunei waa maamul goboleed iskii isku maamula oo kuyaal waqooyiga Island, isma laha sida uu dhulkeedu u yaryahay iyo sida Suldaanka maamulaa u qanisanyahay, Suldaan Haji Hassanal Bolkiah ayaa gacantisa waxa ku jira hanta dhan 20 bilyan oo doolar iyo in badan uu si hoose gacanta ula jiro.

Waxaa kamid ah hantida uu leeyahay Suldaan Haji Hassanal mid kamid ah shirkadaha ugu waaweyn uguna qaalisan ee baabuurta, baabuurtaas ayaa ah kuwo qaalli ah oo ku kooban aduunka, waxa uu furay laba dumar ah inkasta oo uu hantidiisii ku qoray xaaskiisii ugu horeeyey, qoyskiisu waxa uu ka koobanyahay 7 hablood iyo 5 wiil oo uu dhalay iyo 10 caruur ah oo ay caruurtiisu sii dhashay.

Khalifa bin Zayed Al Nahyan, Madaxweynaha Imaaraadka – $15 billion

Madaxweyne ku xigeenka dalka Isku taga Imaaraadka Carabta ayaa la ogyahay in uu yahay hantiile, laakiin hadda waxaa la ogaaday in madaxweynaha Imaaraadku yahay kan ugu hantida badan dalkaasi, hantida Madaxweyne Khalifa Bin Zayed Al Nahyan ayaa lugu qiyaasay 15 bilyan oo doolar. Boqor Khalifa ayaa xilka Imaraadka qabtay kadib markii aabihii geeriyooday 3-dii Novermber 2004, Zayed Al Nahyan oo ilaa 1994-kii ahaa boqorka dalkaas, hadaba Khalifa ayaa leh Shirkad maalgashi oo Abu-dhabi ka shaqaysa, halka inta kale qoyskiisuna ay leeyihiin hanta dhan 150 bilyan oo doolar isku dar idilkoodba.

Mohammed Bin Rashid Al Maktoum – (M/kuxigeenka UAE – $4 Bilyan

Mohammed bin Rashid Al Maktoum waa amiirka Dubai sidoo kale waa Raysal wasaaraha iyo Madaxweyne ku xigeenka Isku taga Imaraadka, isagoo xilalkan haye ilaa bishii January 2006-dii. Hantida Raysal-wasaarahan ayaa lugu qiyaasay kudhawaad 4 bilyan oo doolar, Amiirkan ayaa inta badan sheerer ku leh shirkada ugu waaweyn ee dalkaas,  halka uu dhaxalkiisa kuwada qoray 4 wiil oo uu dhalay iyo qaar kamid ah xaasaskiisa, sidoo kale waxa uu leeyahay 4 hablood oo ay qabaan qaar kamid ah sheekhyada ugu caansan dalkaasi. Sidoo kale waa siyaasiga leh dhismaha labaad ee aduunka ugu weyn.

Hans-Adam II – Siyaasi Jarmal ah – $4 Bilyan

Magaciisu waa wiilka boqor Liechtenstein, waxaanu liiska hore kaga jiraa kuwa ugu hantida badan dalkiisa, inta badan waxa uu ka helay hantidan qoyskooda oo ku caan ahaa farshaxanimadda, sidoo kale waa mulkiilaha Shirkada LGT Banking Group.

2004 ayey ahayd markii in badan oo kamid ah hantidiisa iyo awoodiisa maamul uu ku wareejiyey wiil uu dhalay oo la yidhaah Alois, Guud ahaan hantida qoyskiisa oo keliya ayaa lugu qiyaasay 7.6 bilyan, waana mid kamid ah qoysaska ugu hantida badan guud ahaan Yurub.

Hamad Bin Khalifa II (Amiirkii hore ee  Qatar) – $2.5 Bilyan

Tani waa ta ka dhigtay in dalka Qatar uu kamid noqodo wadamada ugu qanisan caalamka oo dhan, waxaana tusaale u ah Amiirkii hore ee dalkaas oo lugu qiyaasay hantidiisa 2.5 bilyan oo doolar, Amiir Hamad Bin Khalifa ayaa xukumaayey Qatar 1995-kii ila 2013, kadib markii uu dhaxlay aabihii oo geeriyooday, isla markaana waxa uu kasoo jeedaa qoys ku abtirsada madaxtinimadda.

Hamad bin khalifa ayaa ilaa markii uu aabihii noolaa waxa uu ahaa isha ugu weyn ee dhanka maaliyada ugu deeqa Shabakada Wararka ee Al-Jazeera, sidoo kale waxa uu maalgashadey inta badan kooxa kubada cagta, ilaa uu isku dayey in uu iibsado ilaa kooxaha Rangers FC iyo Manchester.

Mohammed VI (Boqorka Marooko) – $2.5 Bilyan

Mohammed VI, waxa uu lahaa halhay caan baxay oo odhanaaya  “Sida boqorka taajir u noqo”, taas oo uu isagu iska hadlaayey, boqor Mohamed VI waxa uu xilka boqortooyada dalka Marooko qabtay sanadkii 1999kii kadib markii aabihii uu geeriyooday. Hantidiisa waxaa boqorkan lugu qiyaasay ku dhawaad 2.5 bilyan oo doolar. Laakiin nasiib xumo shacabka uu u taliyaa uma farxsana sida uu isagu u yahay maamule bangi oo kale, in kastoo mudaharaado dalkaas ay ka dhaceen mudaharaado lagagasoo horjeedo musuq-maasuq iyo balamo uu ka baxay oo lugu eedeeynaayey mudo badan, waxa uu balan-qaaday in aanu noqon doonin boqorka mustaqbalka oo uu iska wareejin doono xilka uu umadda u hayo.

Boqorkan ayaa inta badan hantidiisa waxaa ka mid ah shirkad uu shuraako kuleeyahay oo la yidhaah ONA Group, sidoo kale waxa uu leeyahay inta badan shirkada macdanaha qodoa iyo kuwa suuqa u iibgeeya.

Sebastian Pinera (Madaxweynaha Chile ) – $2.4 bilyan

Waa madaxweyn sida la rumeysan yahay xukuma wadan layaab badan, Sebastian Pinera oo ah madaxweyna Chile waxaa lugu qiyaasay hantida uu leeyahay ku dhawaad 2.4 bilyan oo doolar.

Waa mulkiilaha tilifiishan gaar uu u leeyahay oo la yidhaah Chile-vision, xarunta warbaahineed ee uu leeyahay ayaa loo sababeeyey guushiisii doorashadii 2010kii oo uu Sebastian ku guuleystay qalabiyad aad u badan. Sidoo kale waa mulkiilaha koox caan ah oo dhanka kubada cagta ah oo la yidhaah Colo-Colo, sidoo kale madaxweynahani waxa uu gacanta ku hayaa guud ahaan kaadhadhka lacaga ee dalkaas laga isticmaalo taas oo la aaminsanyahay in hantidiisa ay ka mid tahay, sidoo kale 27% waxa uu leeyahay shirkada diyaaradaha ee LAN Airlines, shirkadan oo uu saami kulahaa ilaa 1994kii.

Tixraac: Wikipedia Organization

W/Q: Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare)
Qoraa / Saxafi madax banaan
E-mail: Xamse18@gmail.com
www.wiyeeryare.blogspot.com
www.twitter.com/wiyeeryare
www.facebook.com/wiyeeer
Hargeysa -Somaliland