New York (Caasimada Online) – Garsoore federaal ah oo Mareykan ah ayaa Arbacadii shaaciyey warqad la sheegay inuu qoray Jeffrey Epstein, maalqabeenkii hore loogu helay dambiyo galmo, toddobaadyo ka hor inta uusan ku dhiman xabsi ku yaalla magaalada New York.
Warqaddan, oo sanado badan qarsooneyd, ayaa lagu sii daayey amar ka soo baxay garsoore Kenneth Karas oo ka tirsan Maxkamadda Federaalka ee Koonfurta New York, kadib codsi ka yimid wargeyska The New York Times.
Epstein ayaa xilligaas sugayey maxkamadeyn la xiriirtay eedeymo culus oo ku saabsan ka ganacsiga galmada, gaar ahaan gabdho da’yar. Geeridiisa waxaa si rasmi ah loogu sheegay is-dil, balse kiiska ayaa weli dhaliya su’aalo badan oo ku saabsan wixii ka dhacay gudaha xabsiga.
Ninkii qol xabsi la wadaagay Epstein ayaa sheegay inuu warqadda ka helay buug ku jiray qolka ay wada degganaayeen, kadib markii Epstein laga helay isagoo dhaawac ah bishii July 2019, dhacdo ay saraakiishu ku sheegeen isku day uu isku dili rabay.
Warqadda, oo lagu qoray warqad caadi ah oo xariiqimo leh, ayaa muujineysa caro, daal iyo niyad-jab. “Bilo ayay i baarayeen — waxba ma aysan helin,” ayaa ka mid ahaa erayada ku qornaa.
Qoraalka ayaa sidoo kale lahaa weedh u muuqatay macsalaameyn, taas oo lagu yiri: “Waa wax gaar ah in qofku doorto waqtiga uu oranayo nabadgelyo.”
Warqadda ayaa ku dhammaatay hadal ay ka muuqato caro iyo quus, iyadoo lagu qoray: “Maxaad iga rabtaan inaan sameeyo — inaan ooyo miyaa?” Waxaa intaas lagu daray: “Madadaalo ma leh — uma qalanto.”
Shaki weli taagan
Inkastoo warqadda hadda la shaaciyey, haddana si rasmi ah looma xaqiijin inuu qoray Epstein.
Shaacinta dokumentigan ayaa mar kale dib u soo celisay doodda ku saabsan geerida Epstein, oo dhacay bishii August 2019, xilli uu ku xirnaa xabsi federaal ah oo ku yaalla Manhattan.
Baarayaasha Mareykanka waxay sheegeen in Epstein uu is dilay, balse khaladaad amni oo badan oo ka dhacay xabsiga, kormeer la’aan, iyo muuqaallo CCTV ah oo la waayey ayaa sii xoojiyey shakiga dadweynaha ee ku saabsan warbixinta rasmiga ah.
Epstein ayaa bishii July 2019 laga helay isagoo dhaawac ah gudaha qolkii uu ku xirnaa. Saraakiishu waxay dhacdadaas ku tilmaameen isku day oo uu nafta isaga qaadi rabay. Warqaddan la shaaciyey ayaa la sheegay in la qoray ka hor dhacdadaas, kadibna lagu dhex qariyey buug sheeko sawirro leh.
Kiiska Epstein ayaa weli saameyn ku leh siyaasadda Mareykanka iyo Britain, maadaama uu xiriirro ballaaran la lahaa dad awood leh oo ka tirsanaa siyaasadda, ganacsiga iyo bulshada sare.
Bilihii la soo dhaafay, waxaa la sii daayey dokumentiyo la xiriira baaritaannadii ballaarnaa ee lagu sameeyey nolosha Epstein iyo shabakaddii lagu eedeeyey inuu maamulayey.
Shaacinta warqaddan ayaa timid xilli su’aalo badan weli laga qabo waxa dhab ahaantii ka dhacay xabsigii uu ku dhintay, iyo sababta dokumenti noocan ah uu muddo dheer uga maqnaa indhaha dadweynaha.


