Sawirro: Muqtaar Roobow oo laga codsaday inuu isku sharxo madaxweynaha K/G

Muqdisho (Caasimada Online)- Dhalinyaro si iskooda isu xilqaamay ayaa kulan lagu taageerayay Mukhtaar Roobow Cali inuu isu soo taago qabashada xilka madaxweynimo ee Koofur Galbeed ku qabtay magaalada Muqdisho.

Kulanka waxaa ka qeybgalay dhalinyaro aqoonyahno ah oo qeybaha bulshada ka kala socda, kuwaas oo sheegay in ay kulanka kaga arinsadeen doorashada dhowaan lagu wado in ay ka dhacdo maamulka Koofur Galbeed.

Prof. Shaafici oo kamid ah aqoonyahnadii kulanka ka hadashay ayaa waxaa suu heegay in uu aaminsan yahay in Mukhtaar Roobow uu yahay shakhsi isbedel dhab ah ka sameyn kara deegaanada Koofur Galbeed isla markaana uu ka codsanayo in uu isu soo taago xilkaas.

“Malaaqyada, beesh caalamka iyo dhamaan shacabka reer Koonfur Galbeed waa ay garanayaan weyna ogyihiin iney muhiim tahay in la doorto qof nabad kusoo dabaali kara deeganadaas, waxaa muhiim ah in aan la khamaarin, sidaa darteed ayaan Sheekh Muqtaar Roobow uga codsanaya inuu isu soo taago xilka madaxtinimada, sidoo kale xildhibaanada waxaan ka codsanaya iney taariikh iyo xusuus ka tagaan ayuu yiri Shaafici.

Dhammaan dhalinyaradii kulanka ka qeybgashay ayaa si isku mid ah u uga codsaday Sheekh Mukhtaar Roobow in uu kamid ah noqdo musharaxiinta ka qeybgali doonta tartanka doorashada madaxtinimada Koofur Galbeed Soomaaliya.

Dhanka kale, kulankaas lamid ah ayaa lagu qabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, dhalinyarada magaaladaas ayaa soo agaasimay kulanka waxaana ka qeybgalay qeybaha bulshada ee ku dhaqan magaalada Baydhabo.

Dadkii kulanka ka hadlay ayaa Mukhtaar Roobow Cali ka codsaday in uu isu soo sharaxo madaxtinimada Koofur Galbeed isla markaana waxaa ay golaha wakiilada Koofur Galbeed ka dalbadeen in ay u daneeyaan masiirka dadka ku dhaqan gobolada maamulka Koofur Galbeed.

17ka bisha November ee sanadkan ayaa sida uu qorshuhu yahay la qaban doonaa doorashada madaxtinimada ee maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya, kaas oo ay ku loolamayan musharxiin badan.

Caasimada Online
Xafiiska-Muqdisho
caasimada@live.com