Prof. Buubaab oo ka hadlay ay ahmiyada Somaliland u leedahay xiriirka Saudi

Hargeysa (Caasimada Onlin) – Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo horay xilal kala duwan uga soo qabtay dowladihii hore ayaa markii ugu horeysay ka hadlay suuragalnimada xiriir diblumaasiyadeed oo dhexmara Sacuudiga iyo Somaliland.

Buubaa waxa uu sheegay inay suuragal tahay in Sacuudiga uu xiriir la sameeyo Somaliland, waxa uuna tilmaamay in xiriirka boqortooyada uu uga wanaagsan yahay kan dowladaha kale ee carbeed.

Sacuudiga ayuu sheegay in xiligaan uu aad ugu dhow yahay dowlada Mareykanka sidaa aawgeed ay suuragal tahay inay u maraan aqoonsigooda.

Waxa uu sheegay in waayadan ay soo baxayeen warar sheegaya in Sacuudiga uu aad u daneynaayo Somaliland waxa uuna arrinkaasi ku sheegay mid fursad weyn u ah Somaliland.

“Wey suuroobi kartaa in Sacuudiga uu xiriir dhow la sameeyo Somaliland waayo adduunka waxa uu iminka ogaaday in Somaliland ay u diyaarsan tahay dowladnimo, waxaanu ka faa’iideynaa horumar anagoo ku gaareyna danaheena siyaasadeed”

“Waxaa wanaagsan inaynu Siyaasadeena wax ka bedelno, oo aynu la jaanqaadno is bedelada ka socda Geeska Afrika, doorkeenana qaadano”.

Buubaa waxa uu sheegay inaanu xiligan u baahneyn dhaqaale balse ay u baahan yihiin keliya in Somaliland ay hesho aqoonsi ay ku gaari karto horumarkeeda.

Sidoo kale, Dowlada Sacuudiga ayuu sheegay in laga doonayo in Somaliland aysan ku xisaabin Somalia inteeda kale, waxa uuna ku baaqay inay ka fal celisho baaqyada Somaliland.

Haddalka, Buubaa ayaa muujinaya in Somaliland ay aqoonsiga ka raadineyso dowladaha Carbeed oo badankooda ku xiran mareykanka.

Caasimada Onlin
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com