Ciidamada Puntland oo ku dhaawacay magaalada Garoowe nabadoon caan ah

Bosaso (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in magaaalada Garoowe lagu dhaawacay mid kamid ah Nabadoonada maamulka kuwooda ugu caansan.

Nabadoonka ayaa waxaa lasoo sheegayaa inay  dhaawaceen ciidamo uu watay Taliyihii hore ee Qeyb Booliska Puntland Faarax Warsame.

Nabadoonka oo lagu magacaabi jiray nabadoon Haariye ayaa dhowr xabadood looga dhuftay qeybaha dhexe ee jirta, sida ay sheegen dad goobjoogayaal ahaa.

Ciidamada ayaa la sheegay inay goobta ka baxsadeen dhaawaca Nabadoonka kadib, waxa ayna dadka qaar soo warinayaan in qorshaha uu ahaa mid lagu khaarijin lahaa Nabadoonka.

Cali Salaad oo ah Gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee gobolka Nugaal ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay ku  raad joogan dadkii falkaasi gaystay oo aan gacan lagu heyn.

Waxaa uu tilmaamay Gudoomiyuhu in dhaawac uu soo gaaray Nabadoonka, islamarkaasna lagu dabiibayo cisbitaalada ku yaala magaalada Garoowe.

Si kastaba ha ahaatee, dhaawaca Nabadoonka ayaa kusoo beegmaya xili maalmo un ka hor Ilaalada Madaxtooyada Puntland ay toogteen Nabadoon isna caan ahaa.

Caasimada Online

Xafiiska Boosaaso

Caasimada@live.com