Sawirro: Somalia iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis ay ka faa’iideysan doonaan kumanaan Soomaali ah

New York (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa waxa uu goob joog ka ahaa seddex heshiis oo dowladaha Soomaaliya iyo qatar ay ku saxiixdeen magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Heshiiskan oo ka dhacay xarunta QM ayaa waxaa Soomaaliya u saxiixay safiirka QM Abuukar Cusmaan Baalle.

Heshiisyada ay kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Qatar, ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin kale ka socotay labada dal, waxaana ka mid ahaa Marwo Sheikha Moza bint Nasser, oo uu qabo amiirkii hore ee Qatar Hamid Bin Khalif Al-Thani, sidoo kalena aas-aasta hay’adda Qatar ee waxbarashada.

Heshiisyadan ayaa u suurto-gelinaya in lagu awood siiyo dhaqaale ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed, iyadoo gudaha dalka Soomaaliya uu ka abuuri doono 75,000 fursado shaqo ah.

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa waxaa ka dhaxeeyay xiriir wanaagsan, ayada oo dowladda Soomaaliya ay saaxiibo kale oo carbeed oo ay ku jiraan Sacuudiga iyo Imaaraadka ku weysay markii ay ka diiday inay xiriirka u jarto Qatar.