Erdogan: Soomaalidu waa DAD qiimo badan oo adag balse ay ka awood badisay..

Muqdisho (Caasimada Online) – Madawxeynaha Dalka Turkiga Rajab Deyib Erdogan ayaa Magaalada Newyork ee Dalka Mareykanka kulan guud kula qaatay boqolaal muslimiin ah oo dalkaasi ku nool.

Madaxweyne Erdogan ayaa inta uu ku howlanaa la kulanka muslimiinta daawaday muuqaal taariikhi ah oo laga diyaariyay waxqabadkiisa ku aadan inta uu xilka hayay iyo waxa uu muslimiinta u qabtay.

Muuqaalka loo daaray Erdogan ayaa  waxaa ka mid ahaa gurmadkii uu u sameeyay muslimiinta wadamada Somalia, Myanmar, Syria, Falastiin iyo wadamo kale.

Muslimiinta uu la kulmay Erdogan ayaa waxaa kamid ahaa Soomaali farabadan oo deegan ku ahaa dalkaa waxa uuna Erdogan khudbadiisa kusoo qaatay Somalia.

Erdogan ayaa yiri “Dadka Soomaalida ah waa dad aad u adag, qiimo badan, ad adeeg yaqaan, waxaase heysta daruuf iyo xaalad adag”

Waxa uu intaa raaciyay “Soomaalidu waxa ay u baahanyihiin sida aan anaga u garab istaagnay oo aan u kaalmeynay in loo garab istaago, Soomaalidu waa dad abaal leh oo aan lagu daawankarin dhibta”.

Maadxweynaha Turkiga ayaa ka mid ah Hoggaamiyayaasha Caalamka ee ka qeybgelaya shir madaxeedka 73aad ee Golaga Guud ee QM  kaa oo ka socda Xarunta Golaha ee Newyork.

Haddalka Erdogan ayaa kusoo beegmaya xili uu dhawaan sheegay in dowladiisa ay dhan waliba ka garab istaagi doonto Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com