YARIISOW oo difaacay mid ka mid ah xildhibaannada Murusade kadib hadalkiisii

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa difaacay mid ka mid ah xildhibaanada beesha Murusade oo lagu eedeeyey inuu isku dayey inuu damaanad kusii daayo dadkii gubay Axmed Mukhtaar Saalaax.

Axmed Mukhtaar Saalax ayaa toddobaadkii tagey lagu dilay baangado kadibna la gubay, kadib markii wiil uu adeer u yahay uu guursaday gabar kasoo jeeda beesha Abgaal, balse hooyadeed ay ahayd Murusade.

Reerka gabadha ee Abgaal ayaa gabadhooda ka furtay wiilka una diiday, kana fogeeyey, balse markii laga reebi waayey iska siiyey wiilka. Si kastaba, qoyska hooyadeed ee Murusade ayaa taas qaadan waayey kuwaas oo kadib weeraray adeerkiisa oo dilay kadibna gubay.

Yariisow oo shalay booqday qoyska dhibka gaaray ayaa yiri “Waxaa jira Xildhibaano doonaya in Xabsiga ay ka sii daayaan dadkii gubay Axmed Mukhtaar, mana ka yeeli doono, waxaan idiin sheegayaa inay cadaalada mari doonaan dadkii ka dambeeyey dilkaas”

Hadalkaas kadib ayaa waxaa baraha bulshada ku baahay war ku saabsan in xildhibaanadaas uu ka mid yahay Xuseen Iidow oo beesha Murusade kasoo jeeda, balse waxaa taas meesha ka saaray Yariisow kadib qoraal uu xalay soo dhigay facebook.

Yariisow ayaa qoraalka ku yiri “Ma haboona in la siyaasadeeyo warkii ahaa in caddaalad la soo saaro danbiilayaashii ka danbeeyey falkii waxuushnimada ee loo geystay marxuum Axmed Dowlo oo Xildhiban Xuseen Iidow wax lug ah kuma laha damaanad raadinta falgaboodkan waana la siyaasadeeyey”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com