Yurub oo u hiilisay Iran iyo tallaabo dhabar-jab ku ah Trump, Sacuudiga iyo Israel oo lagu dhawaaqay (Aqriso)

New York (Caasimada Online) – Shanta dal ee ku haray heshiiska Nukliyeerka Iran ayaa isku raacay inay sameeyaan hab lacagta lagu bixiyo oo gaar ah, kaasi oo shirkadaha u ogolaanaya inay sii wadaan ganacsiga ay la sameynayaan maamulka dalkaas, ayaga oo dhinac maraya cunaqabateynta Mareykanka uu saaray.

Ergada dalalka Britain, France, Germany, Russia iyo China ayaa xarunta QM kasoo saaray bayaan ay ugu dhawaaqeen abuurka hab lacageed gaar ah oo loogu magac dara SPV, oo laga sameyn doono Midowga Yurub.

Dalalkan ayaa sheegay in habkan cusub uu fududeyn doono iibsashada waxyaabaha Iran ay dhoofiso, oo ay ku jirto saliidda.

Madaxa siyaasadda arrimaha dibedda Midowga Yurub Federica Mogherini ayaa weriyayaasha u sheegtay in SPV uu siinayo dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub hab sharci ah oo fududeynaya in ganacsi lala smaeeyo Iran, una ogolaanaya shirkadaha Yurub inay sii wadaan ganacsiga ay la leeyihiin Iran, si waafaqsan sharciga Midowga Yurub. Waxa ay sidoo kale sheegtay in habka SPV uu u furan yahay inay adeegsadaan dalalka kale ee dunida.

Mogherini ayaa sheegtay in heshiiska maaliyadeed looga gol leeyahay in lasii wado heshiiska ay sanaddii 2015 laga gaaray Nukliyeerka Iran, kaasi oo Iran ay ku beddelatay in laga qafiifyo cunaqabateynta dhaqaale.

Heshiiskan ayaa waxaa la saxiixay waqtigii madaxweyne Obama, hase yeeshee madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka baxay, oo heshiiska ku sheegay mid hal dhinac ah oo u danaynaya Iran.

Si kastaba, heshiiska maanta lagu dhawaaqay, ayaa dhabarjab xooggan ku noqonaya madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo rumeysnaa in cunaqabateynta uu saaray Iran ay ku qasbi doonto inay isa soo dhiibto, maadaama Yurub oo ganacsiga ugu xooggan kala dhaxeeyo Iran ay ku gacan seertay xayiraadda Trump.

Waxaa sidoo kale heshiiskan ku farxi doonin Sacuudiga iyo Israel oo Trump markii horeba ka dhaadhiciyey inuu ka baxo heshiiska Nukliyeerka Iran, oo uu dib u saaro cunaqabateynta. Sacuudiga iyo Israel, oo dhowaanahan xiriir hoose la ahaa, ayaa Iran u arka cadowgooda koowaad ee Bariga dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
Caasimada@live.com