Baaritaanka VOA: Mid ka mid ah wasaaradaha DF oo laga xaday 56,000 oo dollar

Muqdisho (Caasimada Online) – Barnaamijkii Galka Baarista ee idaacadda VOA ayaa baaritaan ku sameeyey kiis musuq maasuq la xiriira oo ka dhacay wasraadda arrimaha bani’aadannimada ee dowladda Federalka Soomaaliya oo ay shaqsiyaad ay u xir xiran yihiin.

Dadka kiiskan loo xiray waxaa ka mid ah Daahir Maxamed Nuur oo ahaa agaasimaha waaxda dib u dejinta barakacayaahsa ee wasraadda arrimaha bani’aadannimada, oo la xiray 26-kii July

Daahir ayaa ka mid ah saraakiil badan oo toddobaadkan ay dowladda u maxkamdeyn doonto kiisas musuq-maasuq oo kala duwan.

Daahir ayaa lagu haystaa in lacag ay lahayd wasaaradda uu kala baxay akoonkeeda bankiga, kuna shubtay midkiisa gaarka ah.

Lacagta la xaday ayaa la sheegay inay ahayd lacag ka timid hay’adda cuntada adduunka ee WFP oo dhameyd 56 kun oo dollar oo loogu talo-galay mushaharka shaqaalaha.

Waxaa yaab lahayd in akoonka banki markii hore laga furay bankiga Premier, hase yeeshee markii wasiir Maryam Qaasim ay is-casishay ayaa akoon kale oo aanu wasiirka cuusb ogeyn waxaa laga furtay bankiga Amal.

Harun Macruuf ayaa baaritaankan sameeyey

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com