Warqad uu FAHAD Yaasiin qoray oo caddeysay tirada ciidan iyo hub oo ay NISA ku wareejisay BOOLISKA

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo badan oo ka tirsanaa hay’adda nabad-sugidda qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa dhowaan lagu biiriyey ciidamada booliiska, kadib markii NISA ay go’aansatay in ciidankaas la baabi’iyo.

Si kastaba, xog ramsi ah lagama hayn tirada ciidamadaasi, hase yeeshee qoraal soo baxay oo uu ku saxiixan yahay agaasime ku xigeenka NISA Fahad Yaasiin ayaa muujinaya tirada ciidamadaasi iyo sidoo kale hubkii NISA ay ku wareejisay booliiska.

Qoraalka oo ku taariikheysan 2-dii bishan September ayaa waxaa lagu caddeeyey in tirada ciidamadaas ay gaarayaan 1,522 oo ah Ciidamo hubeysan iyo 206 dharcad ah.

Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale uu caddeynayaa in tirada hub iyo gaadiid ee NISA ay ku wareejisay booliska ay yihiin 13 gaadiid cabdibile saaran yahay qori iyo 12 cabdibile dul banaan ah.

Halkan hoose ka akhriso