Wararkii ugu dambeeyey ee Addis Ababa + Tirada dhimashada iyo 1,200 qof oo…

Jigjiga (Caasimada Online)-Taliska ciidamada Booliska dalka Ethiopia ayaa shaaca ka qaaday inay sii kordhayaan tirada dadk loo xiray rabshadaha saacadihii ugu danbeysay ka dhacay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Taliska Booliska oo ka hadlaayay rabshadaha dhacay ayaa sheegay in loo xiray dad kor u dhaafaya 1,200 oo ruux.

Taliyaha ciidamada Booliska magaalada Addis Ababa Degfie Bedi oo la hadlaayay saxaafada ayaa xaqiijiyay in tirada hadda la xiray ay ka badan tahay tirooyinkii lagu xiray rabshadihii maalmahani dhacay.

Taliyaha waxa uu sheegay in tirada rabshadahan ku dhintey ay gaareen 28 ruux oo la kulmay xaalado adag, hase yeeshee ay qabeen cabsi ku aadan in tiradaasi ay kasii badato geerida.

Degfie Bedi ayaa yiri “Dadka dhintey toddobo kamid ah waxaa toogtay ciidamada booliska halka inta kale ay dad kale ay dileen.”

Degfie Bedi, waxa uu intaa raaciyay inay ku daba dheeraatay rabshada isagoo tilmaamay inay soo bilaabatay 12kii September oo aan hadda ku jirno.

Banaanbaxan ayaa markii hore ka bilowday soo dhaweyn loo sameynayay hogaamiyihii ururka xoreynta Oromada oo muddo afartan sano ah ka soo horjeeday dowlada Ethiopia  iyagoo doonayay inay helaan madax banaani.

Sidoo kale, Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed oo qabiil ahaan ka soo jeeda qomiyada Oromada ee dalka Ethiopia ayaa iminka wada dadaalo dib u heshiisiin ah.

Geesta kale, Abiy ayaa ku taliyay in colaadaha soo bilaabanaaya loo rogo nabad iyo wadahadal waxa uuna arrin fool-xun ku sheegay waxyaabaha dhacaaya.

Caasimada Online

Xafiiska Jigjiga

Caasimada@live.com