Dhaqaalaha bil kasta kasoo xarooda dekeda magaalada Muqdisho oo la shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda dhismaha Turkiga ee Albayrak, ee maamusha dekadda magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday inay bishii ay dekadda ka soo sooraan dhaqaale dhan $10 Mliyan.

Axmed Sami  Isler, oo ka tirsan maamulka shirkadda ayaa TRT World u sheegay dhibka ay ka soo mareen isaga oo ku bilaabay hadalkiisa “Dekadda shaqo fiican kama socon markii aan nimid, howllo la taaban karo kama jirin sababtana qalab la’aan iyo maamul xumo”.

Axmed Sami  Isler oo sii hadlayey waxa uu yiri “sida aan ula wareegnay, waxaan soo saarnaa afar jibaar tii ay dowladda Soomaaliya ka soo saari jirtay, waxaa ay soo saari jireen $2.5 Milyan bishii, hadda waxaa uu wax soo saarka bishii gaaray $10 Milyan”

September 21, 2014: Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa rasmi ah shaaca uga qaaday in maamulka Dekadda Muqdisho ay ku wareejisay shirkad Turkish ah oo la yiraahdo Albayrak.

Maxamed Sheekh oo dekadda Xamar u qaabilsan warbaahinta ayaa sidoo kale sheegay in dakhliga guud ee dekadda ka soo xarooda uu gaaryo $10 Mliyan.

Maxamed waxaa uu intaasi ku daray in markii hore inta aaney dekadda la wareegin Shirkadda dhismaha Turkiga ee Albayrak uu dakhliga guud ahaa $2.5 Milyan, iyada oo keentay qalab fiican, shaqada kor u qaaday.

Dakhliga $10 Milyan ee bishii ka xarooda dekadda,  shirkadda Albayrak waxaa ay adeeg ahaan sameysaa $2.5 Milyan halka canshuurka ay dowladda Soomaaliya ka hesho dekadda gaareyso $7.5 Milyan.

Shirkadda Albayrak oo maamuli-doonta dekadda Xamar 20 sano, waxaa ay $2.5 Milyan ee adeeg ahaa keento ku leedahay 45% halka ay dowladda Soomaaliya ay leedahay 55%.

September 21, 2014: Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa rasmi ah shaaca uga qaaday in maamulka Dekadda Muqdisho ay ku wareejisay shirkad Turkish ah oo la yiraahdo Albayrak.

Dekedda Muqdisho ayaa ah isha ugu weyn ee dhaqaalaha dowladda federaalka, hase yeeshee dadka degan magaalada Muqdisho ayaa maamulkooda dhaqaalaha laga siiyaa kaliya 15%, taasi oo muujineysa dhibaatada dadka Xamar ay ku qabaan nidaamka federaalka ee Soomaaliya, oo u muuqda kaliya in ayaga un uu saameeyo.

Inkasta oo ay taas jirto ayaa haddana caasimadda Muqdisho aysan qeyb ka ahayn dowladaha federaalka, oo dadkooda wax matalaad ah kuma lahan dowladda dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com