Qalbi Dhagax oo arrin weyn kaga dhawaaqay Hargeysa

Hargeysa (Caasimadda Online) – C/Kariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax oo ka mid ah saraakiisha Ururka ONLF ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland.

Qalbi-dhagax oo qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta iyo dadweynaha Somaliland kula hadlay Magaaladaas ayaa sheegay in Hoggaanka ugu sarreeya Jabhadda ay maalmaha soo socda booqan doonaan Hargeysa.

Waxaa uu sheegay in uu salaam ka wado Hoggaamiyaha Ururka ONLF Admiraal Maxamed Cumar Cismaan iyo Xoghayaha guud ee Ururka  C/raxmaan Sh. Mahdi Maaddeey,kuwaas oo  tagaya Hargeysa.

Qalbi-dhagax ayaa sheegay in dhamaan Gobollada Soomaalida uu tagayo kana billaabay Hargeysa,halkaas oo maanta lagu soo dhaweeyay.

Hogaanka xisbiyadda kala duwan ee Somaliland – muxaafad iyo mucaarad – ayuu qorsuhu yahay inuu Qalbi Dhagax la fariisto mudada uu caasimada gobolka Moraadi-jeex ku sugan yahay, sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo.

Isaga oo dareenkiisa kula wadaagayey warbaahinta dibadda garoonka diyaaradaha ee Cigaal kadib soo dhawayntiisa wuxuu carabka ku dhuftey inuu ku farax-san yahay qaabka loosoo dhaweeyay.

Qalbi Dhagax iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa kasoo dhoofey magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, halkaasi uu kulan kula soo yeesheen Aadan Bare Ducaale, hogaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya.

Tan iyo markii horaantii sanadkaan laga soo daayey Xabsi ku yaala Addis Ababa, halkaasi oo uu ku jirey mudo sanad ah, markii ay dhiibtey dowladda Soomaaliya, Qalbi Dhagax ayaa kulamo la qaadanayey dhinacyo kala duwan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com