Baydhaba (Caasimada Online) – Ciidamo taageersan maamulkii Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa digniin u diray shacabka Koonfur Galbeed, gaar ahaan dadka ku nool magaalada Baydhaba, iyagoo ka dalbaday in aysan u dhowaan goobaha loo qorsheeyay in lagu qabto doorashada ay ku tilmaameen “Salbalaar”.
War-saxaafadeed ka soo baxay koox sheegatay in ay tahay Taliska Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Koonfur Galbeed, oo ku taariikheysnaa 9-ka May 2026, ayaa lagu sheegay in shacabka looga digayo inay u dhowaadaan goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada loogu yeeray “Salbalaar 2” iyo meelaha loo asteeyay qabashada doorashadaas.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in goobahaas ay yihiin “bartilmaameedyo ciidan”, sidaas darteedna shacabka looga baahan yahay inay muujiyaan feejignaan sare, kana fogaadaan isu-socodka iyo joogitaanka meelahaas ilaa amar dambe oo ka soo baxa hay’adaha amniga.
“Shacabka waxaa laga codsanayaa inay muujiyaan feejignaan sare, kana fogaadaan isu-socodka ama joogitaanka goobahaas ilaa amar dambe oo ay hay’adaha amniga ee ay khuseyso ka soo saarayaan,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Digniintan ayaa timid xilli magaalada Baydhaba ay ku jirto xaalad siyaasadeed oo kacsan, kadib isbeddelkii ka dhacay Koonfur Galbeed iyo bixitaankii Laftagareen ee magaalada.
Ciidamada dowladda federaalka ayaa dhammaadkii Maarso la wareegay qeybo muhiim ah oo ka mid ah Baydhaba, taas oo keentay in Laftagareen uu ka baxo magaalada, maalmo kadib doorasho muran dhalisay oo lagu sheegay in mar kale loogu doortay xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Laftagareen ayaa markii hore la sheegay inuu iska casilay xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, balse markii dambe ayuu ku adkeystay inuu weli yahay madaxweynaha sharciga ah ee maamulkaas. Isagoo ku sugan Nairobi, wuxuu sheegay in ka bixitaankiisa Baydhaba uu la xiriiray rabitaan uu ku sheegay inuu kaga hortagayo dagaal ka dhaca magaalada iyo khasaaro soo gaara shacabka.
Dowladda federaalka ayaa tallaabadii ciidamada lagu geeyay Baydhaba ku tilmaantay mid lagu xasilinayay magaalada, balse garabka Laftagareen ayaa u arkay faragelin siyaasadeed oo lagu beddelayo maamulka Koonfur Galbeed.
Warar soo baxay ayaa sheegaya in ciidamo taabacsan Laftagareen ay dhaqdhaqaaqyo ka wadaan deegaanno ka tirsan gobolka Baay, xilli ay si cad uga soo horjeedaan doorashada la qorsheeyay in lagu qabto Baydhaba, Axadda.
Doorashada la hadal hayo ayaa la sheegay inay ku bilaabaneyso xulista xubnaha Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed iyo golayaasha deegaanka, ka hor inta aan loo gudbin doorashada hoggaanka sare ee maamulka.
Qoraalka ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Gaarka ah ee garabka taageersan Laftagareen ayaa sidoo kale lagu sheegay in badqabka iyo nabadgelyada shacabka ay yihiin mudnaanta koowaad ee hay’adaha amniga, iyadoo dadka lagu wargeliyay inay la socdaan war-saxaafadeedyada rasmiga ah ee taliska.
“Badqabka iyo nabadgelyada shacabka ayaa ah mudnaanta koowaad ee hay’adaha amniga,” ayaa lagu yiri qoraalka.


