Amarkii dowladda Kenya oo si rasmi ah uga dhaqan galay Wajeer (Sawirro)

Wajeer (Caasimada Online) – Diyaaradaha ka duula garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa maanta si rasmi ah u dhaqan geliyay amarkii kasoo baxay dowladda Kenya.

Diyaarado ka duulay magaalada Muqdisho ayaa maray garoonka diyaaradaha ee magaalada Wajeer, halkaasi oo markale lagu baaray dadka rakaabka ah, iyaga oo kadib u duuli doono magaalada Nairobi.

Go’aanka Kenya dib ugu howlgelisay barta Kaantarool ee Wajeer ayaa dhaqangalay, waxaana dadka baaritaan kale lagu geliyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Wajeer.

Sawiro lasoo qaaday ayaa u muuqday dadka shacabka ah oo safaf dhaadheer u galay baaritaan lagu sameynayo dadka rakaabka ah.

Kenya ayaa dib uga laabtay heshiis ay horey dowladda Soomaaliya ula gashay, kaasi oo keenay in markale rakaabka ka baxa magaalada Muqdisho la marsiiyo garoonka degmada Wajeer.

Hoos ka daawo Sawirada

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com