Xildhibaan shaaciyay shan qodob oo sabab u ahaa fashilka shirkii Garoowe

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo shirkii ka socday magaalada Garowe uu muddo maalmo ah socday islamarkaana la isku fahmi waayay waxyaabaha qaar, ayaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka wuxuu ka hadlay waxyaabaha keenay in la is fahmi waayay.

Xildhibaan Xasan Cabdi oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in shan qodob ay sabab u ahaayeen in shirkii magaalada Garowe uu fashil ku dhamaado.

Wuxuu ugu horeyn sheegay in madaxda dowladda Soomaaliya aysan muujin wax tanaasulaad ah oo ku aadan shirkii ka dhacayay magaalada Garowe, taasi oo keentay in lagu kala dareero,

Xildhibaan Xasan Cabdi oo ka mid ah Xildhibaanada sidda dhow ula socda Shirka ayaa qoraalkaan ka qoray Qodobadda lagu heshii waayay.

1-Faragelinta Galmudug, Taas oo qaadatay 5 cisho , natiijo la,aana ku dhamaatay.

2-Xeerka Doorashooyinka ee ay xukumadda ansixisay oo aan waafaqsaneyn Dastuurka Dalka iyo heshiiskii baydhabo ee Dowladda iyo dowlad Goboledyada Jun 2018,
Taas waa la isku mari waayay.

3-kheyraadka dalka

Sharciga Batroolka oo Baarlamanka la geeyay iyadoo wax laga badaley Heshiski Dowladda fedaralka iyo dawlad goboleedyada ee ku saxiixedeen baydhabo Jun 2018, iyadana waa la isla meel dhigi waayay.

4_Deeqaha caalamiga

Deeqaha Beesha caalamka magaca Soomaaliya lagu keeno si cadaalad dalka loogu qeybin lana siyaasadeeyo, iyadana waa la isku mari waayay.

5-Dhameystirka Dastuurka

Dowladda ayaa wada dib u eegis dasturka iyadoo ay ka maqanyihiin xubnihii dawlad goboleedyada u matali laha guddiga madaxa banaan ee dib u eegista dastuurka ,xubnahas oo Dawlad Goboleedyada magacaabeen laakin in ay shaqa galan loo ogolaan,waa la isku afgaran waayay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com