A/Madoobe oo Kismaayo ka degay kadib 2 berri oo lagu celcelinayey Garowe

Garoowe (Caasimadda Online) – Wararka ay laga heleyo magaalada Garoowe uu ka socdey shirka dowladda dhexe iyo kuwa xubnaha ka ah ayaa sheegaya inuu saaka dhoofay madaxweynaha Jubbalanad Axmed Madoobe, isaga oo gaaray xaruntiisa Kismaayo.

Mr. Madoobe oo ka biyo-diidanaa faragelinta Villa Somalia ee Jubbaland iyo khasaare ka dhacay garoonka Sayid Maxamed ee Kismaayo aya la celcelinayey 2-badii maalin ee tagtay.

Shirka Garoowe waxaa horay u qaadhacay Galmudug, hadda waxaa isaga baxay Jubbaland, waxaa muuqato inuu fashil gaaray.

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland ayaa xaqiijiyey in kadib kulankii xalay, ay si kulul khadka taleefanka ugu wada hadleen Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland, kaddib markii ay madasha shirka imaan waayeen madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Galmudug.

Axmed Madoobe ayaa diiday in dowladda Soomaaliya ama beesha caalamka ay goobjoog ka noqdaan doorashada Jubaland, waxaana Madaxweynaha Puntland uu dadaal ku bixiyey sidii uu ugu qancin lahaa Madaxweynaha Jubbaland in uu ka tanaasulo qodobkaas, maadama go’aanka u danbeeya ee doorashadaas ay leeyihiin dadka deegaanadaas, isagoona tusaale u soo qaatay doorashadii ka dhacday Puntland ee isaga lagu doortay. Si kastaba Axmed Madoobe ayaa Deni ku diiday arrintaas.

Sioo kale, Axmed Madoobe ayaa dhowr mar dalbaday in la helo damaanad-qaad dhanka beesha caalamka ah oo goobjoog ka noqda qodobada lagu heshiinayo, taas oo ay isku maan-dhaafeen madaxweyne Deni oo u aaminsan inuu asagu damaanad ka noqon karo wax walba oo shirkan ka soo baxa maadaama uu isagu gogoshan fidiyay, inkasta oo aanba wax heshiis ah la gaarin.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com